Jubaland: “Farmaajo wuxuu Muqdisho ka billaabay arrin u horey u sameeyey oo kale”

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubaland ayaa war kasoo saartay falalkii u dambeeyay ee ciidamada dowladda ka geysteen magaalada Muqdisho, kuwaasi oo sababay khasaaro kala duwan.

Jubaland ayaa ugu horeyntii ka tacsiyadeysay dadkii ku geeriyooday rabshadihii ka dhacay Muqdisho, kadib markii ciidamada dowladda ay rasaas ku fureen banaanbaxayaal ay hogaaminayeen Musharaxiinta mucaaradka.

Waxay si adag uga hadashay arrintaas, ayada oo nasiib darro ku tilmaamtay in madaxda dowladda ee waqtigooda uu dhamaaday ay ciidamada u adeegsadaan waxyeelada shacabka, kuwaasi oo loogu tala-galay la dagaalanka argagixisada iyo Al-Shabaab.

“Dowladda Jubaland waxay nasiib darro u aragtaa in ciidamada dalka ee loogu talo galay inay la dagaalamaan cadowga umadda Soomaaliyerd, sida Al-Shabaab, loo isticmaalay in lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed oo aanan hubeysneyn, islamarkaana lagu weeraray mas’uuliyiin ka tirsan saamileyda siyaasadeed ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland.

Sidoo kale waxay tallaabooyinka qalafsan ee dowladda u aragta Jubaland mid xagal daacinaysa dadaalada loogu jiray xal ka gaarista xasaradaha siyaasadeed ee dalka iyo is-mari-waaga doorashada, sida lagu yiri qoraalka.

“Dowlada Jubaland waxay nasiib daro u aragtaa in Dowlada Federaalka ah ee wakhtigeedu dhamaaday, iyadoo awoodi kartay in ay ka shaqayso sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa kala duwanaanshaha afkaaraha, inay qaaday tallaabooyin gurracan oo ay ciidankii dalka u isticmaashay si ka baxsan sharciga, si lamid ah siday ka samaysay Gobolka Gedo”.

Ugu dambeyntii waxa maamulka Jubaland ugu baaqay madaxda dowladda uu xiligeedu dhamaaday ilaalinta dastuurka iyo ka shaqeynta is-faham guud oo la xiriira arrimaha la isku hayo, iyo weliba xoojinta amniga.