Puntland oo war kulul kasoo saartay rabshadihii Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda goboleedka Puntland ayaa war kasoo saartay xaalada cakiran ee caasimada iyo banaanbaxayaashii maanta lagu rasaaseeyay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay hogaaminayeen qaar kamid Musharaxiinta Mucaaridka.

Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay tallaabooyinkii u dambeeyay ee xalay iyo saaka ay ciidamada dowladda ku bartilmaameedsanayeen Musharaxiinta Mucaaridka, oo ayagu banaanbax ka waday Muqdisho.

Waxay sheegtay in falalka ay ciidamadu ku kacayaan ee ay ka dambeeyaan madaxda dowladda federaalka inay horseed u noqonayaan qalaalase iyo xasilooni darro ka aloosanta dalka, xili la sugaayo in doorasho ka dhacdo dalka.

“Dowladda Puntland waxa ay isha ku haysay waxa ka dhacayay xalay saqdii dhexe iyo Saaka aroortii Magaalada Muqdisho, waxaa wax laga xumaado ah in iyadoo la sugaayo doorasho ka dhacda Dalka ay timaado falal abuuri kara qalalaaso iyo xasilooni daro ka aloosanta dalka oo weliba ay qayb ka noqdaan ciidamada qalabka sida ee loo diyaariyey in ay dhowraan karaamada iyo sharafta muwaadinka Soomaaliyeed,” ayuu lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Waxa kale oo lagu yiri “Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan masuuliyiinta dalka in uu caqligu taliyo oo aan dhiig loo daadin kala aragti duwanaan siyaasadeed iyadoo lagu xaliyi karo sifooyin kale oo ka haboon. Lana iIlaaliyo dimuqraadiyadda curdunka ah ee aynu haysano, fursadna aan loo siin ururada argagixisada in ay helaan siyaabo ay ugu soo noqdaan magaalada Muqdisho oo ay dhibaatooyin uga geystaan”.

Sidoo kale waxay ku baaqday in aan dhiig loo daadin kala aragti duwanaashaha siyaasadeed, islamarkaana lagu xaliyo waan-waan iyo miiska wada-hadal.

Puntland ayaa ugu dambeyntiina ka digtay in fursad loo siiyo in argagixisadu ay dib ugu soo noqoto magaalada Muqdisho, ayada oo ka faa’iideysanaysa hirdanka siyaasadeed ee ka taagan caasimada.

Hadalkaan ayaa imanaya xili uu xaalka Muqdisho kacsanaa xalay ilaa saaka, ayada oo ciidamada dowladda rasaas u adeegsadeen banaanbaxayaal ay hogaaminayaan Musharaxiinta Madaxweynaha, midaasi oo dab kusii shiday xiisada ka dhex aloosan dowladda iyo mucaaridka.