Daawo: Muxuu Nabaddoon Xaad ka yiri weerarkii lagu qaaday dibad-baxayaasha?

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Maxamed Xaad ayaa si kulul uga hadlay rasaastii ay ciidamada dowladda saaka ku fureen banaanbaxayaal ay hogaaminayeen qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta, xili ay marayeen wadada garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Nabadoon Xaad ayaa nasiib darro umada Soomaaliyeed soo wajahday ku tilmaamay tallaabooyinkii u dambeeyay ee ciidamada dowladda ku beegsanayeen Midowga Musharaxiinta iyo dibad-baxayaasha, wuxuuna ka tacsiyadeeyay umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan cambaareeyen dusha uga tuureyn weerarka bahalnimada ah oo gardarada ah oo aan waafaqsaneyn sharciga oo amarkeeda leeyahay madaxweyinihii hore ee xiligiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taariikh xumadaas inay ku dambeysana waa nasiib darro,” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xaad.

Waxa uu si weyn u cambaareeyay weerarkii ay xalay ciidamada Gorgor ku qaadeen Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo ku sugnaa hotelka Hotelka Maa’ida (Ex.Nasahablod) ee u dhow Daljirka Dahsoon.

Nabadoonka ayaa sheegay in Farmaajo uu ku dambeyn doono meeshii ay mareen kali-talisyadii ka horeysay, isagoona usoo jeediyay inuu is-daba qabto islamarkaana uu eedi doono tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu ku bartilmaameedsanayay Musharaxiinta iyo dadweynaha cabirayay afkaartooda, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Beesha caalamka ay weli aqoonsan tahay madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday, wuxuuna uga digay wakiilada beesha caalamka inay sii joogteyaan taageerada Villa Somalia, maadama lagu caburinayo shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa uga digeyna inaysan kusii wadin taageerada ay taageerayaan iyo la shaqeynta ay la shaqeynayaan, Labadaas hadey sii wadaan dambiga uu asiga galay ayey galayaan, umadda Soomaaliyeedna baal madow ayay ka gali doonaan wakiilada dalka jooga,” ayuu yiri Nabadoonka.

Hadalkan ayaa imanaya, saacado un kadib markii Ciidamada dowlada ay rasaas huwiyeen banaanbaxayaal ay hogaaminayeen qaar kamid ah Musharaxiinta Mucaaridka iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, taasi oo keentay iska hor-imaad labada dhinac ah, waxaana weli ka taagan magaalada xiisad xoogan.