Imaamka oo xog badan ka bixiyay kulamo uu la qaatay Farmaajo iyo Musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Imaamka Mudullood, Imaam Maxamed Yuusuf ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee dalka iyo banaanbaxa ay mucaaradka ka dhigeen magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu rasaaseeyay qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta oo horkacayay.

Imaamka ayaa ugu horeyntii sheegay in dadaal badan uu ka galay dejinta xiisada ka dhalatay Banaanbaxa ay mucaaradka shaaciyeen horaantii toddobaadkan, isagoona u tagay madaxda dowladda iyo mas’uuliyiinta Musharaxiinta mucaaradka.

Waxa uu sheegay inuu u tagay Farmaajo oo uu kala hadlay banaanabxa mucaaradka, ayadoo Farmaajo uu  uu u sheegay ‘inuu wal-wal badan ka qabo amaanka goobta banaanbaxa oo u dhow madaxtooyada dalka’, maadama ay ku soo dhex dhuuman karaa nabad diidka, sida uu sheegay.

Imaamka ayaa waxa kale oo uu xusay in Musharaxiinta mucaaradka ay u balan-qaadeen in banaanbaxa maanta loo balansanaa uu u dhacayo qaab nabadeed, islamarkaana aysan jiri doonin wax lidi ku ah amaanka, halka taasi badalkeed uu muujiyay ra’iisal wasaaraha dalka oo uu la kulmay.

“Madaxweynaha waxa uu yiri waxa jira Coronavirus, waxaa soo geli kara Shabaab, meesha nabad-galyadeed aad uga wal-walsanahay, waxaana u sheegay in Musharaxiinta ay sheegen in banaanbax nabadeed yahay, markaas waxa uu nagu yiri Aniga halkeyga waxba ka imaan maayo ee Ra’iisal wasaaraha is-warsada,” ayuu yiri Imaamka Muddulood.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kulan uu la qaatay Ra’iisal wasaaraha xilka sii-haya uu uga codsaday in la baajiyo banaanbaxa, hase yeeshe uu taasi ka diiday inkasta oo walaac uga muujiyay in banaanbaxa mucaaradka uu nabad-galyo darro abuuro, ayada oo goobta loo asteeyayna ay tahay meel u dhow madaxtooyada.

Imaamka ayaa xusay in dhinacyada uu la kulmay ay u balan-qaadeen inaysan ku kaceyn wax lidi ku ah amaanka, balse arrintan dhacday ay ka war-doonayaan, maadama ay dhaceen wax ka baxsan wixii uu waan-waanta ka galay saacadihii u dambeeyay.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay Imaamka inuu ka howl-galayo xiisada ka dhalatay banaanbaxa, islamarkaana uu dib uga warbixin doono warbaahinta, oo iyadu wax ka weydiisay sababta keentay in rasaas ka dhacdo banaanbaxa, ayada oo dhinacyada uu la kulmay u balan-qaadeen in nabad-gelyo ku dhamaanayaan wax-walba.

Si kastaba, waxaa weli taagan xiisada ka dhalatay rasaastii ay saaka ciidamada dowladda ku fureen banaanbaxayaal ay hogaaminayeen qaar kamid ah Musharaxiinta Mucaaradka, taasi oo dhalisay iska hor-imaad dhexmara ciidamada dowladda iyo kuwa Musharaxiinta.