Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo ka guuray hotelkii u dhowaa Daljirka Dahsoon

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa goordhoweyd iskaga guuray hotelka Hotelka Maa’ida (Ex.Nasahablod) ee u dhow Taalada Daljirka Dahsoon, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sheekh Shariif iyo Xasan ayaa dib ugu laabtay xarumihii ay ka deganaayen magaalada Muqdisho, ayada oo sii galbiyeen ciidamada ilaalada u ah, kadib markii ay ciidamada xoog ku hor istaagtay banaanbax ay iclaamiyeen inuu maanta ka dhacayo Taalada Daljirka Dahsoon.

Sida ay Caasimada Online u sheegen ilo ka ag-dhow Labada madaxweyne, waxay galinka dambee maanta ka qeyb gali doonaan kulan ay iskugu imanayaan Midowga Musharaxiinta Mucaaridka oo saaka qaarkood la rasaaseeyay xili ay horkacayeen dibad-baxayaal.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay xalay weerar ku qaadeen ciidamada Gorgor huteelka ay kasoo guureen Labada Madaxweyne, kadib markii ay la wareegen gacan ku haynta Fagaaraha Daljirka Dahsoon, waxayna iska caabin xoogan kala kulmeen ilaalada madaxweynayaashii hore.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa weli kacsan, waxaana weli laga dareemaya xiisada ka dhalatay tallaabooyinkii u dambeeyay ee xalay iyo saaka ciidamada dowladda ku beegsanayeen Midowga Musharaxiinta oo iyagu u balansanaa in maanta ay hogaamiyaan banaanbax weyn oo ka dhaca magaalada Muqdisho.