Ugaas Xasan oo go’aan aan la fileyn ka qaatay arrinta ku aadan wasiirada lasoo magacaabayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la filayaa inuu la kulmi madaxweynaha Soomaaliya oo markii horeba ka dambeeyey inuu imaado.

Ugaas Xasan oo dagan mid kamid ah Hoteelada Muqdisho ayaa lasoo sheegayaa inay halkaas buuxiyeen siyaasiyiin, Odayaal iyo aqoonyahano kasoo jeedo Beesha Xawaadle oo Ugaaska ka doonayaan inuu madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha uga soo qaado xilka wasiir muhiim ah.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Caasimadda Online ayaa xaqiijinayo inuu Ugaas Xasan arrinta ku aadan wasiirada lasoo magacaabi rabo ka qaatay go’aan aan aheyn midkii laga filayey.

Ugaaska ayaa dhammaan siyaasiyiinta beeshii kasoo jeedo ee uu kula kulmay Hotelka uu muqdisho ka dagan yahay u sheegay inaan isaga laga sugeyn inuu madaxweynaha ka codsado inuu shaqsi ka tirsan beeshiisa ka dhigo wasiir taasoo uu ku tilmaamay inay tahay sharci darro iyo xadgudub.

Ugaaska ayaa shaqsiyaadkaas xil doonka ah u sheegay inuu soo dhaweyn doono sidoo kalana uu garab istaagi doono shaqsigii Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha kasoo dhameysto in loo magacaabo wasiir isagoo adeegsanayo kartidiisa iyo aqoontiisa.

Go’aanka ugaaska ayaa imaanayo xilli maalmihii ugu dambeeyey magaalad Muqdisho la isla dhexmarayey inuu Ugaaska wato shaqsiyaad uu doonayo inuu madaxweynaha ka dhigo Ra’isulwasaaraha waxaana hadda muuqato inaysan arrinta sidaas aheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com