Ugaas Xasan oo weerar ku qaaday DF Somalia iyo xiisad soo cusboonaatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ayaa dowlada Federaalka ah ee Somalia ku eedeeyay inay indhaha ka qabsatay dadka degan Gobolka Hiiraan.

Ugaas Xasan, ayaa tilmaamay inaanu jirin garab dadka Hiiraan ay ka heleen dowlada Somalia, isla markaana ay u muuqato inay yihiin kuwo gooni leysaga faquuqay oo aan dani laga laheyn.

Ugaas Xasan, waxa uu sheegay in waqtigaan waxa ugu weyn ay u baahan yihiin ay tahay biyo iyo waxyaabo kale oo muhiim u ah nolosha Bulshada ku nool Gobolka Hiiraan.

Waxa uu cod dheer ku sheegay in dowlada Somalia aysan la socon in Gobolka Hiiraan ay iyada maamusho, balse ay u sheegayaan in Gobolka uu yahay mid raacsan Somalia isla markaana la doonaayo in dadkiisa lala meeldhigo shacabka kale.

Ugaas Xasan ayaa yiri ”Reer Hiiraan waa Soomaali kama baxsana dadka kale waa inaan helnaa xuquuqaadka ay helaan dadka kale oo aan anagu helin”

”Waxaan qireynaa in dowlada Somalia ay ka jeesatay dadka degan Hiiraan, waxaan cadeyneynaa inay lumisay garabkii looga baahnaa dowlad u siman shacabkeeda”

Sidoo kale, Ugaaska ayaa dowlada Somalia ugu baaqay inay kasoo laabato go’aanka ay ku gaartay inay dayacdo dadkeeda ku nool Gobolka Hiiraan.

Geesta kale, waxa uu shacabka Hiiraan ugu baaqay in mar waliba ay taageeran dowladooda isla markaana kala shaqeeyan Amniga iyo Nabadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com