Xog-warran: Afar koox oo hortaagan dowladnimada dalka Soomaaliya

Walaalayaal, rajada aan ka leenahay inaan dib u helno dawlad Soomaaliyeed oo taladeeda iyo go’aankeeda Soomaali leedahay aad bay u yar tahay mustaqbalka dhowhaddii aan laga tashanin arriimahan soo socda;

1. BEESHA CAALAMKA; waa cadowga koowaad oo ay Soomaali leedahay waxaney adeegsanayaan a) awooddii dalka ee siyaasad iyo dhaqaale ay gacanta ku hayaan iyadoo wax dawlad muuqaalka uga eg ugu magac dareen DFS si shacabka loogu qanciyo in beesha caalamka ay dawlad ay gacan siiyaan u dhiseen, isla markaana sameeyey maamul goboleedyo si madax banaan u dhaqmo. b) Cunaqabateyn hubka oo loogu talagalay inaan Soomaali lugaheeda marnaba isku taagin isla markaana lagu hubeeyo ururro mararka qaar ciidamada ka awood badan. Arrintani waxay keentay in Madaxweynaha DF iyo kuwa gobollada ay u hoos fariistaan waddama deriska inay weydiistaan taageero ciidan iyo hubka fudud si ay isaga difaacaan ururrada ka soo horjeeda dawladda. Waxaa meeshaa ka baxay madax bannaanidii, qabkii iyo karaamadii Soomaali lahaani jirtay oo muuqaata in loo dulleeyey dawladaha deriska oon jecleen inay arkaan Soomaali awood leh oo dib isugu taagto,

2. DAWLADAHA KHALIIJKA; Waa cadow sokeeye ah, waana dhuxulo dambas huwan inkastoo hadda ay bannaanka ula soo baxeen. Dawladaha khaliijka iyagu waxaa adeegsanaya shirkado shisheeye oo dano kale Somalia si kheyraadka waddanka aan maamulkiisa farahooda uga bixin.

3. DERISKA; Deriska waxay ka faa’iideen burburka Soomaaliya dhaqaalahooda waxaa kobciyey Soomalidii ku qaxdey oo dhaqaale badan gelisay, hawlaha Soomaaliya ka wadaan hayadaha caalamiga oo saldhig ka dhigtay deriska taasoo dhaqaala xooggan ay ka helaan iyo weliba fursado shaqo oo fara badan. Sidaa darteed ma doonayaan inaad dawlad noqoto.

4. DHUUNI RAAC: Dad Soomaali ah oo la shaqeeyo dawlado iyo sirdoonno shisheeye oo fuliya danaha muuqdo iyo kuwa qarsoon oo dawladahaa shisheeye ka leeyihiin Soomaaliya lkn aan marnaba u suuroobeynin DHUUNI RAACYADAN la’aantood. Kuwaasoo waddanka u diida deggenaasho dhinac walba ah.

Kuwan keliya ma aha sababaha noo diidaya inaan dawlad noqonno lkn waa tusaalayaal kooban oo u baahan dadka Soomaaliyeed oo waddankooda jecel isla markaana wax walba lagu bixiyey sidii loo kala dili lahaa inay ku baraarugaan isla markaana ka tashaddaan dabinnada is wada daba yaallo oo u yaallo dadka, dalka iyo diinta Soomaalida.

Waad mahadsan tihiin
Abdirazak Gaboobe. gaboobe@gmail.com