Ugaaska Mudulood oo soo saaray farriin xasaasi oo ka dhan ah AMISOM (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad xoog leh ayaa ka dhalatay dad shacab ah oo ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ay Talaadadii ku xasuuqeen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, kuwaas oo meydkooda oo jawaano ku jira Muqdisho la keenay, waxayna ehelladii dadkaas diideen in la aaso meydadka, ilaa inta AMISOM ay mas’uuliyadda ka qaadaneyso.

Ugaaska beelaha Mudullood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa si adag uga hadlay falkaas, isagoo fariin u diray umadda Soomaaliyeed iyo taliska ciidanka dhibkaan geystay ee AMISOM.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan leenahay waxyaabaha qaar lama qaadan karo, AMISOM mudadii ay dalkaan joogtay waxay geysatay dhacdooyin xanuun badan oo aad u foolxun, dad meyd ah oo ay dileen ayey miino ku qarxiyeen oo jarjareen, waxaan mari doonaa wado kasta oo sharcigu noo ogolyahay, waxaa kasta waxaa kasii fool xun AMISOM waxay bogeeda ku soo qortay in dadkii ay naga dishay ay ahaayeen Argagixiso, waxay soo sawireen qoryo duug ah oo beerta bahalada looga ilaalin jiray, waxaan heynaa warqadii October 2018-kii ay ugu fasaxday Xaajiga in qoryahaas duuga ah uu beertiisa ku ilaashan karo,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Ugaaska ayaa sheegay in dadka la dilay uu ku jiray Xaaji Cumar Garey oo iska lahaa beerta laga soo dhex watay qaar ka mid dadka la dilay, isla markaana ciidamada dilay ay aqoon u la haayeen.

“Dadkaas la dilay waxaa ugu magac dheeraa Xaaji Cumar Ganey oo ahaa nin ganacsade ah oo si weyn deegaanka looga yaqiinay, ciidanka xaquuqay ee AMISOM-na ay mudo dheer la yaqiineen, gurigiisa ayaa loogu tegay isaga iyo lix qof oo ehelkiisa u badnaa, dadkaas waa la dilay markii hore, kadibana miino ayaa la dul saaray, waana lagu qarxiyey, markii asaga laga reebo, lixdii kale hilbo ayey noqdeen, iyagoo seddax jawaan ku jira ayey hadda Farnjiyeer ku jiraan,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud.

Ugaaska Mudullood oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Waa wax aan la aqbali karin xasuuqa ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda, hadaba anagoo ka jwaabeyna dhacdadaas waxaan la hadleynaa dowladda Soomaaliya, AMSIOM, UN-ka iyo cid kasta oo dhaqaale ku bixisa howlgalka AMISOM. Hadii nin Nabadoon ah oo 10-sano ay la macaamilayeen ay u dileen Argagixisaa tahay, waxay ka dhigantahay Soomaalida oo dhan ayaa argagixiso ah, mana aqbaleyno taas.”

Sidoo kale Ugaaska ayaa sheegay in aysan heynin meyd, balse ay hayaan hilbo, kuwaas oo uu sheegay inay Faranjiyeerka ku jiri doonaan, illaa jawaab laga helo cidii dishay oo mas’uuliyada wixii dhacay ay AMSIOM si cad u qaadaneyso.

Hoos ka daawo