Ugaaska Xawaadle oo sheegay in dilal lagu dhaafinaayo noloshooda loo qorsheeyay

Muqdisho (Caasimada Online)-Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa markii ugu horeysay walaac ka muujiyay qorsho la xiriira dilalka duubabka Hiiraan oo la diyaariyay.

Idaacada SMN ee ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in Ugaaska uu aad uga walaacsan yahay qorsho dilal ah oo loo qorsheeyay Duubabka Hiiraan, garabka kasoo horjeeda Shirka ka socda magaalada Jowhar.

Idaacada oo xiganeysa Ugaaska ayaa sheegtay in Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu dadka shacabka reer Hiiraan ugu baaqay inay ishooda koreyso, waxa uuna si maldahan u sheegay in tallo ay faraha ka baxday.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif waxa uu dadka Gobolka sidoo kale ugu baaqay inay ilaalsadaan xasiloonidooda waxa uuna farta ku goday in loo baahan yahay feejignaan ku aadan cabsida cusub ee lasoo deristay duubabka Hiiraan.

”Sida aan aragno waxaa soo rogaal celiyay dilalkii qorsheysna ee ka dhici jiray Hiiraan waa inaan dareen u yeelanaa waxa soo kordhay iyo ujeedkooda”.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ma uusan sheegin cida ay uga cabsanayaan weerarada ay ka cabsi qabaan in lagu dhaafiyo nolosha duubabka.

Geesta kale, walaaca uu muujiyay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa kusoo beegmaaya xili qaati laga taagan yahay duubabka Hiiraan oo caqabad ku ah shirka ka socda magaalada Jowhar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com