Ugu dambeyn Farmaajo waa in uu dilo dollarka – Hal sabab darteed

Faalladaan waxaan uga hadli doonaa saameynta muuqata ee ay lacagta Dollarka Mareykanku ku yeelatay dalkeena Soomaaliya iyo sida ay sicir bararka uga kicisay dalka oo dhan… Sidoo kale maqaalkaani wuxuu xambaarsan yahay codsi ku socda taliska Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo ugu dambeyn laga dhowrayo inuu soo nooleeyo Shillinka Soomaaliga kaasoo astaan u ah jiritaankeena Soomaalinimo.

Soomaaliya ma ahan gobol ka tirsan United States of America, waa dowlad madax bannaan oo leh astaamo lagu garto. Waxaana ugu weyn callankeena buluugga ah, laakiin calanka waxaan ka muhiimad yareyn Shillinka Soomaaliga sababtoo ah lacagtu waxay ka mid tahay astaamaha dowladnimo.

Tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Dhexe, waxaa sii muuq-beelayey mid ka mid ah astaamihii ugu weynaa ee qaranka Soomaaliya waana Shillinka Soomaaliga, horraantii sannadkii 2000 ayey aheyd markii la xaqiijiyey inaan la isticmaali doonin sarifkii ugu dambeeyey ee KUNKA SHILLIN oo aheyd (Shanta Boqol), wixii intaas ka dambeeyey maalin kasta waxaa hoos u dhacayey qiimaha uu leeyahay Shillinku.

Ma jirin Dowlad maamulka dalka oo dhan hanatay isla markaana dadka ku cadaadisay inay isticmaalaan Shillinka Soomaaliga oo ah kan ka turjumaya jiritaankooda. Wixii ka dambeeyey, waxaa Umadda oo dhan u muuqan karay inay dadku ka tallaabdeen isticmaalka Shillinka iyagoo u wareegay Dollarka Mareykanka.

Abwaannada iyo dadka guubaabada u saaxiibka ah ayaa dhaliil badan ku leh in aysan qaadin tallaabo dadka lagula dhiirrigelinayo inay qaladkooda fahmaan.  maadaama ay Soomaaliya ku jirto Dunida 4aad aysan isticmaali karin lacagta USA, sababtoo ah waxyaabo badan oo aan iskeeneyn ayaa jira marka xisaabta dib loogu laabto.

Yaanan keliya dhaleeceyn abwaannada iyo dadka guubaabada u saaxiibka ah, sidoo kale waxaa howshoodii gabay maamul kasta oo la doortay. Inta la xusuusto, madaxweyne kasta ayaa ballan qaaday inuu xoojin doono isticmaalka Shillinka Soomaaliga, inuu soo sameyn doono lacag cusub. Balse marnaba tallaabadaasi lama qaadin.

Waxaa kaloo ceeb ah inuu Taliska Sarifka Soomaaliya gacanta ugu jiro shaqsiyaad cayiman, kuwaasoo markasta sarifka lacagta ku salleeya qaabka markaas wax u socdaan. Tusaale wanaagsan waxaan ku bixin karnaa, marka ay ogaadaan inay lacag badan oo dollar ah dalka soo gashay waxay hoos u dhigayaan shillinka si dollarkaasi uu qiimo jaban ugu soo xaroodo, marka uu gacantooda soo galana halkii hore ayaa wax walba lagu celinayaa.

Ma muuqato cid arrintaan wax ka qabaneysa, markii la doortay madaxweyne Farmaajo sarifku hoos ayuu u dhacay. Ninkii heystay 100 dollars markaas qiimo ahaan waxaa gacantiisa looga baxsaday 50 dollars lacagtii lagu sarifi jiray oo kale. Sababtoo ah HALKA DOLLAR oo joogay 23 KUN OO SHILLIN SOOMAALI ah, ayaa si weyn hoos loogu soo dhigay waxaana la keenay 12 KUN OO SHILLIN SOOMAALI ah.

Dad badan ayaa guul ku tilmaamay isla markaana sheegay inuu shillinku qiimo yeeshay oo uu qarka u saaran yahay inuu dollarka dhulka la galo. Balse waxa aysan ogeyn ayaa ah in aysan waxba iska bedelin qiimihii la iibin jiray raashinka, qiimihii gawaarida lagu raaci jiray iyo guud ahaan qiimaha badeecada oo dhan.

Ujeedku Ganacsatadaas Muxuu Ahaa? – Waxay doonayeen hal arrin oo shaqsi kasta fahmi karo, xildhibaannada ayaa qaatay lacago badan oo laaluush ah si ay musharrixiinta codadkooda u siiyaan, lacagtaasi waxay soo gashay suuqyada si qiimo jaban loogu helo ayaa hoos loo dhigay tirada lacagtii Shillinka Soomaaliga aheyd ee dollarka lagu bedelan lahaa.

Halka Dollar waxaa uu gaaray in lagu bedelo 12 kun oo Shillin Soomaali ah, seddax maalmood ka dibna sarre ayaa loo qaaday qiimaha dollarka ee markii hore dhulka la dhigay ka dibna waxaa la gaarsiiyey in halka dollar lagu bedesho 23 kun oo Shillinka Soomaaliga ah.

Halkaas waxaa ka muuqda in shaqsiyaad leh dano gaar ah, ay maalmo gudahood malaayiin dollars oo lacag ah ku faa’iidayaan. Sababtoo ah furihii ay ku faa’iidi lahaayeen ayaa gacantooda ku jira, waana sabab ay ka mahdinayaan. Iyadoo aan hubno inay ku qurxoonaan laheyd inay dowladdu ka warqabto ganacsiga iyo sarrifka.

Maxaa U Sahlay? – Umadda dayacday Shillinkii Soomaaliga ee muujinayey jiritaankooda, raggaas waxaa ay jawaano ku cabeysteen lacagtii uu dalku lahaa oo haatan howlgab ah, gaar ahaan Shillinka Soomaaliga, waxaana u suurtogashay inay Shacabka Soomaaliyeed oo dhan jeebabka uga buuxshaan Dollarka Mareykanka… Mana ahan lacag caddaan ah.

Sababtoo ah, dhammaanteen waxaan ka warqabnaa in dadka Soomaaliyeed ku dhowaad 55 boqolkiiba (55%) ay isticmaalaan EVC Plus iyo adeegyo kale oo kuu ogolaanaya inaad taleefoonkaaga lacagta ku qaadato… Waana qaab kale oo dadka looga faa’iideysto sababtoo ah waxaana waa BAQSHAD kuu tilmaameysa inaad lacagtaada ku heysato, oo dadka laga dhaadhiciyey (SMS Money). Halka lacagtii caddaanka aheyd faraha laga saaray ganacsato kuwaasoo ah milyaneero aan u jixin-jixin umaddooda.

Dadkaas lagama qaadin tallaabo ku habboon, waxaana u suurtogashay inay furaha u hayaan maamulka ganacsi ee Soomaaliya. Arrinta la yaabka leh waxay tahay dadka intooda badan waxay isticmaalaan Dollarka. Marka wax walba caadi yihiin waxaa uu dukaan kasta badeecadiisa kaaga iibinayaa dollar.

Balse marka sarifluhu hoos u rido shillinka Soomaaliga isagoo kuu sheegaya inuu qiimo yeeshay maadaama uu dollar badan magaalada ama dalka soo galay. Ninka iibinaya raashinka daruuriga ah Shillin kama dhimaayo, kaaga darane wuxuu bedelayaa sarifka wuxuuna kuu sheegayaa inuu u baahan yahay Shillin Soomaali, isaguna maalintaas ayuu si wanaagsan u faa’iidayaa.

Sidoo kale, horumarka dalka Soomaaliya ka soconaaya waxaa ka mid ah in laga furay bangiyaal badan, balse dhammaantood waxay si weyn u dhiirrigeliyeen isticmaalka Dollarka, halka qashinka lagu daray lacagtii xaqa ay u lahaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Farmaajo waa inuu dilo isticmaalka Dollarka. Waa inuu dowladdiisa u dejiyo qorshe dalka oo dhan looga sifeynaayo dollarka isla markaana ay dadku ku heysanayaan shillinkooda. Waa inuu Madaxweyne Farmaajo ka caawiyo dowladdiisa inay iyadu maamusho sarrifka isla markaana waaxaha canshuurtu ay sidii la rabay u shaqeeyaan.

Markii la qaadayey Heestii Af-Qalaad Aqoonsi Miyaa? – Fannaankii curiyey waxay aheyd inuu lacagtana hees u gaar ah u sameeyo si uu dadka uga dhaadhiciyo uguna guubaabiyo in aysan marnaba qaadan lacag uu leeyahay dal shisheeye. Maanta Dollarka ayaa dilay Shillinkeenii, Ganacsato gaar ah ayaana dhiigga ka miirtay shacabkeenii.

Waxaa Diyaariyey: Cabaas Cali Xasan (Xaliye)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada  caasimada@live.com Mahadsanid