Xog-warran: Yaa kamid noqon doona dowladda Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalmaha fooda nagu soo hayo uu ku dhawaaqo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Ra’isul wasaaraha kasoo dhex xulan doona Siyaasiyiinta ku dhow dhow ee uu aqoonta u leeyahay.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madxaweynaha uu doonaayo in Xukuumada uu soo dhisi doono ay kaalin mug leh ku yeeshaan Haweenka Soomaaliyeed.

Xukuumada la dhisi doono ayaa waxaa kamid noqon doonta Wasiirka hore ee Wasaaradda Horumarinta iyo Adeega Bulshada Drs. Maryam Khaasim oo si dhow ula soo shaqeysay xukuumadihii hore.

Drs. Maryam Khaasim ayaa sidoo kale xubin firfircoon kasoo noqotay Xisbiga Tayo oo uu hogaamiyaha u yahay Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo.

Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha ayaa laga soo xigtay in Drs. Maryam Khaasim ay kamid noqon doonto Wasiirada uu dhisi doono Ra’isul wasaaraha uu dhawaan magacaabi doono.
Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u sheegay inuu dhisi doono ama ay Dowladiisa kamid noqon doonaan Siyaasiyiin lagu soo xuli doono tayadooda.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa dhisi doona Dowlad kaduwan kuwii isaga ka horeeyay, waxaana iyadoo ay ka dhexmuuqan doonaan Siyaasiyiin hore iyo kuwo cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com