Muqdisho; Weerar lagu dhaawacay taliye ku-xigeenkii hore ee NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in weerar gaari loo adeegsaday lagu qaaday Taliye ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka.

Weerarka ayaa ka dhacay Ceelgaabta oo aan sidaa uga sii fogeyn Madaxtooyada Somalia.

Weerarka ayaa lagu qaaday Taliye ku-xigeenka oo lagu magacaabaayay Gen. Xasan Dheere, oo iminka dhaawac ah.

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Darawalka iyo laba kamid ah ilaaladiisa.

Gaariga falkaasi geystay ayaa goobta ka baxsaday iyadoo aan lagu guuleysan qabashada gaariga falka geystay.

Weerarkaani ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo noociisa ka dhaca magaalada Muqdisho tan iyo markii la doortay Farmaajo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com