UHURU Kenyatta oo si yaab leh u dhaqmay kaddib go’aankii maxkamadda sare

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inay ka go’an tahay in si habsami leh ay u dhacdo xil-wareejinta awoodda madaxweynaha, kadib markii Maxkamadda Sare ay ayidday guusha William Ruto.

Uhuru ayaa khudbad lasoo duubay u jeediyay shacabka Kenya, isaga oo ugu baaqay in go’aankii maxkamadda la xushmeeyo.

Si kastaba, arrinta yaabka leh ayaa ah Kenyatta uu ka fogaaday inuu magaca madaxweynaha la doortay William Ruto uu ku xuso khudbadiisa, ama xitaa u hambalyeeyo, balse waxa uu sheegay in uu wanaag u rajaynayo “dhammaan kuwii guulaystay.”

“Xilka madaxweynaha marki la ii dhaariyay, waxaan ballan ku qaaday in aan ilaaliyo sharciga iyo go’aannada kasoo baxa garsoorka wax kasta oo khuseeya dowladnimadeenna,” ayuu yiri Kenyatta.

Kenyatta ayaa si weyn u taageeray musharraxa laga adkaaday ee Raila Odinga oo ay isbaheysi sameysteen.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa Isniintii taageertay natiijada doorashadii 9-kii Agoosto ee lagu doortay William Ruto, kaddib go’aan loo dhan yahay, sida ay sheegtay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Kenya, Martha Koome, taasoo meesha ka saartay codsi uu u gudbiyay hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Martha Koome ayaa sheegtay in inaysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya inay doorashada ka dhaceen khaladaad beddeli karay natiijada. 

“Khaladaadku uma baaxad weyneyn heer ay saameyn ku yeeshaan natiijada kama dambeysta ah ee doorashada madaxweynaha,” ayey tiri guddoomiye Koome.

Odinga ayaa sheegay inuu ixtiraamayo go’aanka Maxkamada Sare ay ku ayidday guushii William Ruto, balse wuxuu intaas ku daray inuusan ku raacsaneyn.

“Waxaan mar walba u taagneyn sarreynta sharciga iyo dastuurka. Marka ay noqota arrintan, waxaan ixtiraameynaa aragtida Maxkamadda Sare inkasta oo aan si xooggan ugu diidannahay go’aanka maanta,” ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray.