Ciidamada DF oo ka gudbay caqabad heysatay sanado – Maxaa dhacay shalay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka, gaar ahaan Duufaan iyo booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa saakay fuliyey howlgalkii ugu horeeyey ee noociisa ay waayahaan fuliyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Howlgalkaas oo ka dhacay degaanka Basra oo dhaca inta u dhaxeysa Afgooye iyo Balcad, isla markaana jihada koonfur galbeed uga beegan magaalada Muqdisho ayaa lagu beegsaday fariisinkii ugu weynaa canshuurta looga qaadi jiray dadka reer Muqdisho.

Halkaas Al-Shabaab waxay ku lahaayeen maxkamad ay ku kala saaraan dadka reer Muqdisho ee kala dacwoonaya, sida kuwa ay ka dhexeeyaan muranada dhulalka, sidoo kale waxay u aheyd fariisin weyn oo ay canshuurta uga uruuriyaan ganacsatada reer Muqdisho.

Sanadihii lasoo dhaafay ciidanka ammaanku ma fulin howlgal noocaan ah, sidoo kale Al-Shabaab waxay ku fashilmeen inay sii helaan xogta howlgalkaas, waxaana gacanta looga wax kasta oo agab ahaa ee Basra u yiilay, sida boonooyinkii ay Al-Shabaab canshuurta ku qaadi jireen.

Boonooyinkaas oo lasoo bandhigay howlgalka kadib, waxay hey’adaha amaanku ka heleen xog badan oo ku saabsan tirada lacagta ay qaado kooxdu iyo magacyada ganacsatada ay canshuurta ka qaado.

Ganacsatada reer Muqdisho ayaa dhibane u ah canshuurta xad-dhaafka ah ee Al-Shabaab, waxaana muhiimadda ay canshuur uruurinta siineyso kooxdaan laga dheehan karaa in 30 KM ay Muqdisho u jirto goobta ay fariisinka ka dhigteen.

Ciidanka ayaa waaberigii hore ee saakay cagta mariyey difaacyadii ay sanado badan Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Basra, ugu yaraan mudo shan sano ah ciidanku ma fulin howlgal sidaan oo kale loogu beegsaday kooxda, gaar ahaan deegaanada ku dhow caasimadda Muqdisho.

Gaabiskaas waxaa loo sababeynayaa dowladii tan ka horeysay oo wax muhiimada aan siin baacsiga Al-Shabaab, iyadoo taas bedelkeed ay madaxdu aad ugu mashquulsaneed is qab-qabsiga siyaasadda. https://remotepilot101.com/

Haatan in Al-Shabaab ay sii heli waayeen xogta howlgalkii Basra waxay muujineysaa in wax badan ay iska bedeleen hanaankii ay u howgeli jireen hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxay tani muujineysaa hordhaca hadafka madaxda cusub ee DF oo wacad ku maray inay Al-Shabaab ciribtirayaan.

Hoos ka eeg boonooyinkii gacnta lagu dhigay