Aqriso: 5 qorshe oo cajiib ah oo Qatar ay ka fulineyso Somalia

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaallaha H.E. Amb. Gamal Mohamed Hassan, Wasiirka Amniga gudaha H.E. Mr. Mohamed Abukar Islow iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud ayaa maanta si diirran ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Qatar oo uu hoggaaminayay Mr. Khalifa Jassim Al kuwari oo ah Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee horumarinta.

Wafdiga Dowladda Qatar ka socda oo ka kooban illaa iyo shan xubnood ayaa la kulmi doona Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Hassan Ali Khaire, iyadoo wadahadallo waxgal leh uu dhici doono inta lagu gudajiro kulamada la qorsheeyay.

Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay xog faahfaahsan oo ku saabsan qorshaha ay Wafdigaan u imaadeen Muqdisho iyo Mashaariic waaweyn oo laga fulin doono Muqdisho iyo Gobolada Dalka Soomaaliya.

Wafdigaan iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa kala saxiixan doono heshiisyo dhawr ah oo ku saleysan horumarinta dalka Soomaaliya.

Mashaariicda Qatar fulineyso

1) Dhismaha Xarunta Xisbiga : Dowladda Qatar ayaa dayactir ku sameyn doonto Xaruntii hore ee Xisbiga oo la doonayo inay hadda kadib noqoto Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo meesha uu dagi doono.

2) Dhismaha Wasaaradda Qorsheynta: Heshiiska la kala saxiixanayo ayaa waxaa kamid ah in dib loo dayactiro Dhismaha wasaaradda Qorsheynta.

3) Dhismaha Wadada u dhaxeyso Muqdisho iyo Jowhar: Dowladda Qatar ayaa dhiseyso jidka u dhaxeeyo Muqdisho iyo Jowhar oo ah mid aad u burbursan, waxaana laga dhigi doonaa Wadado laami ah oo loo dhisi doono qaab Casri ah.

4)  Dhismaha Jidka isku xiro Muqdisho iyo Shabeelada Hoose: Sidoo kale heshiiska la kala saxiixanayo ayaa waxaa kamid ah dhismaha jidka u dhaxeeyo Muqdisho iyo Shabeelada Hoose.

5) Mashaariic laga fulinayo Gobolada dalka: Sidoo kale Dowladda Qatar ayaa mashaaric hormarineed oo aad u weyn ka fulin doonto qeybo badan oo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jiro Mashaariicyo kala duwan oo aysan noo suurtagelin inaan helno magacyadooda oo kamid ah heshiisyada ay kala saxiixan doonaan Ra’isulwasaaraha iyo Wafdigaan.

Yaa la siinayaa Qandaraasyada lagu fulinayo Mashaariicdaan?:

Sida uu heshiisku yahay Mashaariicdaan ayaa waxaa fulin doono Shirkado, waxaana la sheegay in qandaraasyadaan lasoo bandhigi doono isla markaasna loo tartami doono, ciddii ku guuleysatana la siin doono.

Shirkadaha fulin doono Mashaariicdaan ayaa waxay isugu jiraan Soomaaliya iyo Qatariyiin, wuxuuna noqon doonaa tartankaas mid xalaal ah oo maalin cad lagu kala baxo.

Guddi la dhisayo:

Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Qatar ayaa dhisayo guddi ka kooban labada dal oo mashaariicdaan muhiimka ah ka fullin doono goobaha aan kor kusoo xusnay iyo qeybo kale, waxayna guddigaan si wadajir ah uga shaqeyn doonaan inay wax kasta kusoo dhammaadaan sidii lagu heshiiyey.

Goormee la fulinayaan Mashaariicdaan? :

Inkastoo aysan noo suurtagelin inaan helno waqtiga Mashaariicdaan la fulinayo, haddana xogta aan helnay ayaa sheegeyso inay Mashaariicdaan yihiin kuwa deg deg ah oo dhawaan la fulin doono.

Xogta aan heleyno sidoo kale waxay sheegeysaa inaysan Mashaariicdaan noqon doonin kuwa afka oo kali ah, balse ay  noqon doonaan kuwa ficil loo badalo.

Faa’idada Mashaariicdaan ku jirto:

Dalka Soomaaliya oo muddo ku dhex jiray Dagaalo iyo Fowdo  ayaa waxaa burburay qeybihii ugu muhiimsanaa dalka,  waxayna Mashaariicdaan Soomaaliya ka caawin doonaan waxyaabo badan, waxaana laga faa’idi doonaa in la helo jidad waaweyn oo isku xiro Jowhar iyo Muqdisho, Shabeelada Hoose iyo Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la dayactirayaa Xarumaha Dowladda, waxaana markii ugu horeysay la sameyn doonaa Xarun weyn oo u gaar ah Ra’isulwasaaraha dalka, waana arrin ay la gaar noqon doonto Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dadaal kasta ku bixineyso sidii dalka loo hormarin lahaa.