Odinga oo ku dhawaaqay hadal yaab leh oo la xiriira madaxweynenimada Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga oo la hadlay saxaafada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan loo dhaarin doono xilka Madaxweyninimo ee Kenya.

Raila Odinga, waxa uu saxaafada u cadeeyay in Kenya ay leedahay labo Madaxweyne, isla markaana Madaxweynaha labaad oo isaga ah la dhaarin doono bisha December.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa ”Dadka taageeraha ii ah waxaan u sheegayaa inaan sameysaneyno xaflad dhaarin ah oo dhici doonta 12 bisha December”

Waxa uu intaa raaciyay ”Kenya waxa ay leedahay laba Madaxweyne midka sharciga waa aniga, Madaxweynaha labaad ee aan sharciga aheyn waa Uhurro Kenyatta”

Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa sheegay inaan la aqbali doonin riyada Uhurro Kenyatta, waxa uuna sheegay inay muhiim tahay in la fashiliyo qorshooyinka xisbiga Kenyatta.

Geesta kale, Raila Odinga ayaa cadeeyay in xafiiskiisa uu noqon doono magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, mana uusan tilmaamin halka rasmiga ah ee uu fadhiisan doono.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com