Xog cusub oo kasoo baxday hogaamiyihii Daacish looga dilay duqeynta Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa mar kale ka hadashay duqeyn xoogan oo ay la beegsatay Saldhiga ay maleeshiyaadka Daacishta Somalia ku leeyihiin gobolka Bari.

Dowlada Mareykanka oo faahfaahin dheeraad ah ka bixineysa duqeynta ayaa sheegtay inay ka dhacday Tuullo 70-KM ujirta Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Tuulada ay ka dhacday duqeynta ayaa lagu magacaabaa Boholo oo 70-KM ujirta Magaalada Boosaaso, waxaana la xaqiijiyay in duqeyntaasi lagu dilay Horjooge sare oo ka tirsan Daacishta Somalia.

Horjoogaha lagu dilay duqeynta ayaa waxaa lala dilay ilaa 15 ka mid ah ilaaladiisa oo xiliga duqeynta ay wada joogeen.

Sidoo kale, duqeynta ayaa waxaa lagu gubay 10 ilaa 8 Gaari kuwa dagaalka ah oo ay lahaayen Daacishta Somalia.

Waxaa sidoo kale, lagu burburiyay saldhigyo ay maleeshiyada ku lahaayen Buuraaleyda Galgala gaar ahaan Tuulada Boholo oo 70-KM ujirta Magaalada Boosaaso.

Docda kale, Hogaanka Daacishta Somalia ayaan weli ka hadal warbixinta kasoo baxday Wasaarada Difaaca Mareykanka ee muujineysa in duqeyn lagu dilay Horjooge iyo 15 kamid ahaa ilaaladiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com