Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis ku kacaya 200 milyan dollar (Cod + Sawirro)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wafddi ka socda Dowladda Qadar ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa ballan qaaday mashaariic kala duwan oo ay ka fulin doonaan Soomaaliya.

Wafddigan ayaa waxaa ay heshiis kala saxiixdeen Dowladda Soomaaliya waxaana ay dowladda Qadar ballan qaadday $200 Milyan oo doollarka Mareykanka ah taas oo ay dowladda Soomaaliya u adeegsan doonto mashaarciida dowladda.

Mashruucaan ayaa ka kooban, kobcinta Dhaqaalaha, Dhismaha Wadooyinka, iyo Waxbarashada sida uu Warbaahinta u sheegay Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya.

Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in Mashaariicdan oo dhamaantood ah kuwo lagu hormarinayo dalka ay ku kici doonto lacag dhan 200 oo Milyan oo Dollar.

Agaasimaha Guud ee Horumarinta Dowladda Qadar,Khaliifa Bin Jaasim,oo heshiiskaan dowladda Qatar Wakiil uga aha ayaa isna sheegay in ay dhisi doonaan Wadada u dhaxeeysa Jowhar iyo Muqdisho oo ah 90km iyo Wadada Muqdisho iyo Afgooye iyo Dhismaha Hay’addaha Waxbarashada iyo Shaqa abuur loo sameeyo dhalinyarada.

Dowladda Qatar ayaa ka mid ah Wadamada Carbeed ee taageerada siiya Soomaaliya,waxaana dhawaan ay dowladda Soomaaliya dhex dhexaad ka noqotay khilaafka Wadamada Khaliijka oo sabababay in xulufada Sacuudiga ay xiriirka u jaraan Dowladda Qatar.

Waddigan oo ka kooban 5 xubnood ayaa waxaa ay dib ugu laabanayaan dalkooda kaddib heshiiska ay la galeen Dowladda Soomaaliya.

Qadar waa dalka ay go’doomiyeen afarta dal ee Khaliijka Carabta ugu tunka weyn,waxaan Soomaaliya ay ka id tahay Waddamada khilaafkaas dhex dhexaadka ka noqday.

Lacagta ay ballan qaadday Dowladda Qadar ayey sheegeen in uu bixinayo Sanduuqa Caalamiga ah ee horumarinta dowladda Qadar.

Codka Khaliifa Bin Jaasim

Codka Jamaal Maxamed Xasan