Xog: Kheyre oo shaqada ka eryey xubno ku beel ahaa CC Sharmaarke

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar laga kalsoon yahay oo ay Caasimada Onlinne ka heshay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada,  Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Amniga ayaa sheegaya in shaqadii laga joojiyey ku xigeenka haya’daha Duulista Hawada lagana qaaday  jagadii uu hayey.

Sidoo kale Xoghayaha Joogtada Wasaaradda maaliyadda iyo ku xigeenkii NISA ayaa iyagana xilalkii laga qaaday, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online, arrintaan ayaa loo aanaynayaa iney ka salka ku hayso khilaafka siyaasadeed ee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid iyo Ra’iiul Wasaare Kheyre.

Saraakiisha xilalka laga qaaday ayaa dhamaantood waxay isku hayb yihiin Cumar Cabdirashiid; Khilaafka ayaa salka ku haya arrinta mowqifka Khaliijka ee ay dawladdu qaadatay, ayada oo Cumar Cabdirashiid uu ku xiran yahay dowladda Imaaraadka.

“Dadka xilalka laga qaaday waxay ku hayb yihiin Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashid, arrintuna waxay  tahay  mid la xiriirta khilaaf u dhexeeya Xasan Khayre iyo Cumar Cabdirashid oo siyaasadda ahaan iska soo horjeeda, taas ayaana saameysay kaliftayna in ay xilalkooda waayaan” ayuu yiri mid kamid ah ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online oo codsaday inaan magaciisa lga shaacin.

Illaa iyo hadda lama yaqaan sabab shaqo oo dadkan xilka looga qaaday marka laga reebo xiisadda ka dhex oogan Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com