Wararkii ugu danbeeyay ee magacaabida golaha Wasiirada Maamulka HirShabelle

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada ee uu yeelan doono maamulka.

Waare oo dib ugu laabtay magaalada Jowhar ayaa bilaabay shirinta qaar kamid ah mas’uuliyiinta ka mid noqon doona Golaha Wasiirada ee hadda ku sugan magaalada Jowhar.

Waare ayaa lagu wadaa in 24 saacadood ee soo socota uu ku dhawaaqo Golaha Wasiirada xukuumadiisa iyadoo maalin qura ay ka harsan tahay waqtigii uu ugu daray Baarlamaanka Hirshabeelle.

Xildhibaan Xasan Maxamed Ibraahim ”Balcad” oo ka mid ah Xildhibaanada HirShabelle oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in mudo 48 saac gudahooda la magacaabi doono Golaha wasiirada maamulka Hirshabelle.

Xildhibaan Balcad, ayaa sheegay in Waare uu la tashtay xitaa Xildhibaanada isla markaana aanu u harsaneyn la tashiyo kale magacaabis mooye.

Waare ayaa mudooyinkii dambe waday kulamo wadatashi ah oo uu la qaadanayay waxgaradka iyo xildhibaanada baarlamaanka HirShabelle, isagoo kala hadlayay sida ugu wanaagsan ee loogu soo dhisi karo Golaha wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com