Imaaraadka oo xasuuqa Yemaniinta u kireysatay qandaraaslayaal hor leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraaya danbiyada dagaal ee lagu eedeynaayo dowlada Imaaraadka Carabta kaa oo ay ka geysato dalka Yemen.

Kooxda xuquuqda aadanaha AOHR, ayaa dowlada Imaaraadka Carabta ku eedeysay in si ula kaca ay u duqeyso Xarumaha ay ku noolyihiin dadka shacabka ah ee ku sugan qeybaha ay ka socdaan dagaalada Yemen.

AOHR ayaa ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo dambiyada dagaalka dawlada Imaaraadka Carabta ee loo geysto dadka rayidka ah ee dalka Yemen.

AOHR, ayaa sheegtay in danbiyada dagaalka ee Imaaraadka ay xadka kasii baxayaan, iyadoo lahayo cadeymo muujinaaya in diyaaradaha Imaaraadka ay geysteen duqeymo ku talagal ah oo lagu dilay qoysas kaamil ah.

Kooxda AOHR, ayaa sidoo kale sheegtay in Imaaraadka Carabta ay isticmaashay bambooyinka la mamnuucay ee loo yaqaan ”Cluster Bombs”.

Kooxda waxa ay sheegen in dowlada Imaaraadka Carabta ay xasuuqa shacabka Yemen u xilsaartay qandaraaslayaal ajanabi ah si ay u jirdilaan ama u dilaan dadka reer Yemen.

Saraakiisha hogaamisa Kooxda ayaa sheegay in dowlada Imaaraadka Carabta la doonaayo in la horgeeyo Maxkamada danbiya dagaal, si looga abaalmariyo falalka xasuuqa ah oo ay kawado Yemen.

Mid kamid ah Saraakiisha ayaa sheegay in bartilmaameedka Imaaraadka Carabta uu yahay kuwa u saaxiibka ah nolosha liidata ee aanu jirin cid ka naxeysa.

Dhinaca kale, Xasuuqa ugu badan ee ka dhaca dalka Yemen ayaa waxaa loo tiirinayaa diyaaradaha Imaaraadka iyo Sacuudiga oo dhaqan u leh beegsiga goobaha ay ku noolyihiin dadka liita ee shacabka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com