Odawaa oo ka hadlay waxa laga filan karo wadahadalka Galmudug iyo Ahlu-Sunna

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha Somalia C/raxmaan Maxamed ”Odawaa” ayaa ka hadlay wadahadalka magaalada Jabuuti uga socda maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

Xildhibaan Odawaa ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uu aad usoo dhaweynaayo wadahadalada ka furmay Jabuuti ee u dhaxeeya Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

Waxa uu Odawaa sheegay inay muhiim tahay in labada maamul ay xiligaan wada garteen xaqiiqda iyo faa’iidada ku jirta in la heshiiyo waxa uuna ku taliyay inaan lagu kala tagi wadahadalka socda.

Waxa uu Xildhibaanka tilmaamay in qaabka ay hadda wax u socdaan ay ka dhadhaminkaraan inay jirto rajo ku aadan midow iyo kala danbeyn dhexmara labada dhinac.

Waxa uu sheegay inay rajeynayaan in wadahadalada ka furmay Jabuuti inay ka soo baxaan natiijo wax ku ool ah oo u horseeda dadka Galmudug Midnimo.

Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayuu ugu baaqay inay ka qeybqaadato heshiisiinta labada dhinac iyadoo la eegaayo danta guud maadaama ay iminka muuqato isku soo dhawaansho.

Haddalka Odawaa ayaa imaanaya xili dhawaan Hogaamiyaha Ahlusunna uu shaaciyay inay la midoobayaan maamulka Galmudug, isla markaana ay qaadan doonaan dhaliilahooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com