Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cadbi Nuur Maxamed ayaa ka hadlay go’aankii baabuurta gurmadka deg degga ah ee Aamin Ambualnce loogu diiday inay tagaan goobaha ay qaraxayada ka dhacaan, si ay dadka u caawiyaan.
Cabdi Nuur ayaa bartiisa soo dhigay qoraal inuu wax ka jawaabo iska dhaafee abuuray su’aalo iyo jahwareer cusub, islamarkaana qodob kasta oo ka mid ah qoraalkiisa uu midka kale burinayo
Waxaa qoraalkiisa ka mid ahaa :
Ma jirto warqad ka timid Booliiska oo Aamin Ambulance shaqada looga joojiyay sida ay ii xaqiijiyeen Maamulka Aamin Ambulance, Guddoomiyaha Degmada iyo Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir.
Halkaas Cabdi Nuur kuma diidin in Aamin Ambulance shaqada laga joojiyey, balse waxa uu ku sheegay kaliya inaan warqad rasmi ah looga joojin. Xaqiiqda ayaa ah in Aamin shaqada looga joojiyey amar hadal ah, oo aan qorneyn, sida ay sheegeen dadka maamula, kuwaas oo xitaa codsaday warqad qoran balse loo diiday, taasi oo hadalka Cabdi Nuur ka dhigeysa mid aan macno sameeneyn, laakiin dadka qaar ay ku deg degeen kuna macneeyeen inuu beeniyey shaqo joojinta.
Qodobka labaad ee qoraalkiisa ayuu haddana Cabdi Nuur ku sheegay arrin shaki badan sii dhalisay, wuxuuna yiri:_
Booliiska waxay doonayaan in si dhaw loo wada shaqeeyo, isu socodka magaaladana loo fududeeyo Aamin si hawlaha samafalka ay wadaan loogu gacan siiyo.
Waa maxay macnaha hadalkan uu wato? Si dhow ula shaqeynta, ma waxaa loola jeedaa in Aamin Ambualnce aysan goobaha qaraxyada tagi karin durbada ay wax dhacaan, oo ma waxay sugayaan fasaxa dowladda. Haddiiba aysan jirin in shaqada laga joojiyey Aamin, maxaa kale oo aynan ogeyn oo Aamin Ambualnce loo sheegay?
Waxaa intaas oo dhan kasii daran qodobka saddexaad ee Cabdi Nuur, oo xaqiiqda ka fog islamarkaana u muuqda mid uu jeebkiisa kala yimir, wuxuuna ku yiri.
Dalal badan oo kansarka argagixisada nala qaba waxaa ka dhacday in gaadiidka gurmadka degdeg ah loo adeegsaday qaraxyo ismiidaamin ah. Si taas looga gaashaanto waa in Booliisku la socdaa dhaqdhaqaaqa gaadiidka gurmadka, ayna u fududeeyaan baraha kontorool ee magaalada ku yaalla.
Ilaa iyo hadda inta aan ognahay dunida kama dhicin goob baabuur gurmadka deg degga ah loogu adeegsaday qaraxyo, sidoo kalena Cabdi Nuur ma shaacin hal wadda oo sidaas ay ka dhacday ama tusaale lagu qanci karo. Midda kale haddiiba aysan jirin in Aamin Ambulance shaqada laga joojiyey, sida qodobkiisa koowaad yahay, muxuu qodobka saddexaad ee Cabdi Nuur cudur daar u yahay?
Arrimahan oo dhan waxay u muuqdaan marin habaabin, waana kuwa sii xajiinaya in warka kasoo baxay Aamin Ambualnce ee ah in shaqada laga joojiyey oo xaqiiq yahay.
Waxaa sidoo kale yaab leh, waxa xafiiska ugu sareeya dalka iyo Howl wadeenadiisa faraha kula jiraan dhacdooyinka yaryar ah ee magaalada Muqdisho oo ay joogaan hay’adihii ku shaqada lahaa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]