Video: Carro ka dhalatay odayaasha Galmudug ee DF ay ka saartay liiska 135-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Galmudug ayaa ka cabanaya in dowladda federaalka ay bedeshay ugaasyadii iyo odayaashoodii u qaabilsanaa soo xulidda xildhibaanada ku matalaya baarlamaanka maamulka Galmudug.

Odayaal iyo waxgaradka beelahaas qaar kood oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay si bareer ah u badashay Ugaasyadii iyo odayaashii saxda ahaa ee ku jira liiska 135-ka.

“Waxaan beesha caalamka u sheegeynaa oo madaxda ugu sareysa dowladda federaalka u sheegeynaa in wasiirka arrimaha gudaha iyo guddiga doorashada Galmudug inay wadaan dhibkii Kismaayo laga sheegaayay oo lagu eedeynayey Axmed Madoobe, kaas oo ah in labadalo odayaasha dhaqanka oo lagu bedalo kuwo gacan ku sameys ah, Ugaas Cabdiraxmaan oo ah Ugaaskeenna sidoo kalena  ah saxiixaha nagu matala Galmudug inay dowladdu ku badshay nin ay wado”ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha beelaha la baday matalayaashoodii.

Waxgaradka beelaha ka cabanaya in la badalay saxiixayaashoodii saxda ahaa ayaa qaar kood waxa ay sheegeen in odayaashoodii lagu bedalay rag aan ku heyb aheyn.

Odayaasha dhaqanka ee liiskaan laga saaray ayaa qaarkood diiday in ay hadlaan waxayna sheegeen in ay ku jiraan wadahadalo isla markaana ay rajo ka qabaan in boosaskooda loo soo celiyo, waxaana sidaas oo noo sheegay qaarkood oo aan la hadalnay.

Hore ayaa looga digay in la farageliyo odayaasha dhaqanka iyo guud ahaanba doorashada Galmudug waxaase muuqata in ay dowladda Soomaaliya wado faragelin toos ah.

Guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug ayaa maanta xareeyay qaar ka mid ah odayaashii ay ugu tala galeen inay soo xulaan baarlamaanka labaad ee maamulka Galmudug, waxaana la sheegay in odayaasha la xareeyey oo aan la cayimin tiradooda ay ku jiraan qaar aan matalin beelahooda oo ay keensatay wasaaradda arimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

Halkaan ka Daawo