Xisbiga Himilo Qaran oo laga saaray xildhibaankii ka been sheegay ciidamada Itoobiya ee Dhuusomareeb

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ayaa maanta ku dhowaaqay in xubinnimadaii xisbiga laga joojiyey xildhibaan Cabdixakiim Macallin Axmed oo ahaa xoghayihii guud ee xisbiga.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta facebook ee xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu yiri “Kulan maanta ay yeesheen golaha fulinta ee xisbiga Himilo Qaran ayaa ka joojiyey xubinnimadii xisbiga Xildhibaan Cabdixakiim Macallin Axmed oo ahaa xoghayahii guud ee xisbiga Himilo Qaran sida uu qabo xeerka xisbiga.”

Go’aankan Cabdixakiim xisbiga looga saaray ayaa yimid maalmo kadib markii qoraal uu 29-kii November soo dhigay boggiisa facebook uga been sheegay xaaladda Dhuusomareeb iyo ciidamadii Itoobiyaanka ah ee Villa Somalia ay gaysay magaalada.

Qoraalkaas ayuu xildhibaan Cabdixakiim ku yiri “Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug la wadaago inaaney waxba ka jirin wararka lagu sheegay in Dhuusamareeb la geeyay Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan AMISOM ka tirsaneyn!. Waxaa jira ciidamada Djibouti iyo kuwa Ethopia oo Dhuusamareeb ku sugnaa muddo aan ka yareyn saddax bilood, hayeeshee ciidamadaasi waxay ka wada tirsanyihiin AMISOM.”

Qoraalka xildhibaanka ayaa aad uga yaabiyey bulshada Dhuusomareeb oo indhahooda ku arkay ciidamada Itoobiyaanka ah ee la geeyey Dhuusomareeb, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaan Cabdixakiim uu taageersan yahay musharaxa ay wadato dowladda ee qorshuhu yahay in ciidamada Itoobiyaanka iyo Villa Somalia ay si sharci-darro ah ugu gacan geliyaan madaxtinimada Galmudug, taasina ay ku qasabtay inuu xaqiiqda ka been sheego.