Video: Ciidamo gadoodsan oo xirtay qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa gadood ka sameeyey magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa taalada Daljirka Daahsoon iyo xarunta wasaaradda amniga Soomaaliya.

Ciidamada gadoodsan ayey wararka sheegayaan inay xirteen Daljirka Dahsoon illaa waddada dhanka Xaawo Taako oo ah koontaroolka ugu horeeya ee laga ilaaliyo Madaxtooyada.

Ciidankan ayaa ka howlgala Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Gobolka Hiiraan oo ah qeybta 27-aad, waxa ayna  sheegeen in ay ka soo bexeen saldhigyadoo maadaama sida ay hadalka u dhigeen waayeen xuquuqdooda ciidanimo.

Qaar kamid ah ciidamada oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in muddo sanado ah ay ku jireen dafaacyada Ciidamada, iyada oo aan wax mushaar ah qaadan, hayeeshee Baarlamaanka ay ka maqleen in Ciidamada mushaar la siiyay.

Si rasmi ah looma ogo in ciidamadaan ay ku jiraan ciidamada ay horey u diiwaan galisay wasaaradda Maaliyada Soomaaliya oo ay Dowladda sheegtay in mushaarkooda ay si joogta ah u qaataan.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu mar kasta sheego in dowladiisa ay ku guuleystay bixinta mushaarka ciidamada Dowladda Soomaaliya.