GALMUDUG oo diiday inay qeyb ka noqoto go’aan ay soo saari lahaayeen maamul goboleedyada dalka

Dhuusamareeb (Caasimadda Online ) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ka biyo diiday inuu ka qeyb noqdo go’aan ay si wadajir ah usoo saari lahaayeen madaxda Maamul Goboleedyada oo la xiriira doorashooyinka dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, go’aanka ay soo saari lahaayeen maamul Goboleedyada ayaa ahaa in laga soo horjeesto afarta xeer uu soo gudbiyay Guddiga wadajirka dhameystirka xeerka doorashooyinka qaranka..

Go’aanka ay soo saari lahaayeen madaxda Maamul Goboleedyada ayaa waxaa si gaar ah looga soo horjeysan rabay xeerka kuraasta Baarlamaanka ee loo wareejiyay gobollada, taasi oo maamul goboleedyada ay u arkaan awood ay leeyihiin oo ay dowladda la wareegeyso.

Madaxda maamul Goboleedyada oo dhawr habeen ku wada hadlay qadka taleefoonka ayaa waxay xogta sheegeysaa in Maamulka Galmudug uu usoo horjeestay inuu ka qeyb noqdo, inkastoo aysan noo suurtagelin inaan helno go’aanada ay qaateen maamulada kalle ee lagu tiriyo inay aad ugu dhow yihiin Dowladda Dhexe, gaar ahaa Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Galmudug Mudane Qoor Qoor ayaa madaxda Maamul Goboleedyada u sheegay in maamulkiisa uu yahay mid cusub, islamarkaana hadda diyaar u aheyn inuu faraha la galo khilaaf iyo xeerar horyaalla Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dhawaan ayey aheyd markii Maamulka Galmudug uu ka gaabsaday inuu ka hadlo baaqii kasoo baxay Guddoomiyaha aqalka sare ee ahaa in Maamul Goboleedyada ay isugu imaadaan kulan deg deg ah si looga tashto waqtiga kala guurka ee uu dalka ku jiro.