Video: Daawo sida cajiib ah ee Farmaajo loogu soo dhaweeyay madaxtooyada Masar

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta oo Axad ah gaaray dalka Masar, waxaana garoonka diyaaraha ee magaalada Qaahira ku soo dhaweeyay dhigiisa dalkaas Abdel Fattah El Sisi.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa haatan ku sugan madaxtooyada Masar halkaasi oo soo dhaweyn heer sare loogu sameeyay.

Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-sisi ayaa soo dhaweeyay Farmaajo, waxaa loo tumay Music iyo salaanta calanka Soomaaliya, kadibna waxaa ay labada mas’uul u gudbeen gudaha Qasriga Itixaadiya halkaas oo laga wada hadlayo xiriirka labada dal.

Labada madaxweyne ayaa la filayaa in saacadaha soo socoda kulan yeeshaan isla markaana ka wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dowladood, gobolka iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan ee Afrika.

Waa Booqashadii ugu horeysay madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo uu ku tago dalka Masar tan iyo markii madaxweynaha jamhuuriyadda loo doortay 8 Fibraayo ee sanadkan.

Madaxweynaha ayaa wefdigiisa waxaa kamid ah wasiirka arimaha dibadda iyo xubno kale oo ay kamid yihiin saraakiil ka tirsan madaxtooyada qaranka.