Video: Farmaajo iyo Beyle yaa runta sheegaya? Halka laga keenay LACAGTA lagu iibiyey safaaradda USA

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala dalka Maraykanka ayaa dhawaan xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Safaaradda dalkeenna ee Washington.

Waxaa tan iyo furitaankii Xarunta Cusub ee Safaaradda Soomaaliya soo badanayey hadallada is khilaafsan ee kasoo yeerayo madaxda Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Maaliyadda iyo Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayey Xafladda furitaanka ayaa sheegay in lacagta lagu iibiyey Safaaradda ay tahay mid ay aruurisay Dowladda Soomaaliya, isagoo ku kaftamay inay aruuriyeen lacagihii ay madaxdii hore u isticmaali jireen inay isku ridaan sida uu hadalka u dhigay, inkasta oo taas naftigeed ay madaxweynaha kusoo celineyso su’aal ah: miyaanay ahayn lacagtii dowladda tii lagu riday Jawaawi, Shariif Xasan, Xaaf?

Isla waqtigaas Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay $4.3 Milyan oo doollarka Mareykanka ah ku iibsatay dhismaha Safaarada cusub ee Soomaaliya ku yeelaneyso magaalada Washington.

Waxa uu sheegay in lacagta lagu iibiyey dhismaha laga bixiyey Miisaaniyadda xukuumadda federaalka ah ee sanadkan 2019, gaar ahaan ku noqoshadda oo ay wasaaradu ku soo dartay, wuxuuna hadalkaas noqday mid xoogaa ka duwan hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Farmaajo.

Iyadoo uu jiro Khilaafkaas, ayuu haddan Wasiirka Maaliyadda Beyle sheegay hadal kale oo midkiisii hore kasoo duwan kadib wareysi uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee VOA.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in Lacagta lagu iibiyey Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka bixisay Dowladda Qatar oo ah Dowlad saaxiib dhow la ah Dowladda Soomaaliya.

Arrintaan ayaa keentay shaki badan oo ku aadan halka laga keenay lacagta lagu iibiyey Xarunta, waxaana jiro warar aan la xaqiijin oo sheegayo in qiimaha Safaaradda lagu iibiyey ay tahay 1.6 Million oo Dollarka Mareykanka ah halka Qasnadda Dowladda laga bixiyey lacag gaareyso ilaa 4.3 Million sida uu xaqiijiyey Wasiirka Maaliyadda.

Haddaba halkaan hoose ka daawo khilaafka hadalada Madaxweyna iyo Wasiir Beyle

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com