Video: Farmaajo oo u gefay dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo bulshada GALMUDUG

Muqdisho (Caasimada Online) –  Waxaa sii kordhaya carrada ka dhalatay iyo jawaabta laga bixinayo hadal uu madaxweyne Farmaajo ka jeediyey xiritaankii shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee 17-kii bishan lagu soo geba-gebeeyey magaalada Dhuusomareeb.

Qeyb ka mid ah hadalkiisa ayuu Farmaajo kaga hadlayaa dhaqtar uu sheegay inuu isbital ku leeyahay magaalada Muqdisho, oo madaxweynaha sheegay inuu yimid isaga oo ka xun nabadda Dhuusomareeb, sababtuna ay tahay inay yaraadeen dhaawacyadii looga keeni jiray halkaas.

Bulshada Galmudug ayaa hadalkaas ku macneeyey aflagaado iyo gef weyn oo madaxweynaha ku sameeyey dadka Galmudug, halka Soomaali badanna ay sheegeen inay tahay aflagaado iyo abaal-dhac ka dhan ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo uu ka dhigay kuwo ka ganacsaday dhiigga umadda, islamarkaana jecel dhibkooda.

“Dadka qubuuraha qoda way jecel yihiin inay dad soo dhintaan, sidoo kalena dhaqaatiirta way jecel yihiin inay dad dhaawacmaan” ayuu yiri Farmaajo oo weeraraya dhaqaatiirta, intii uu uga mahad-celin lahaa dhibka iyo marxaladda adag oo ay ku shaqaayeen si ay u bad-baadiyaan nafta shacabkooda.

Ka sokow gefka hadalka madaxweynaha, waxaa ku jirtay been cad, oo uu madaxweynaha ku yiri “60 qof oo dhaawac ah ayaa bil kasta kasta laga keeni jiray Dhuusomareeb.”

Waxyaabaha yaabka leh waxaa ka mid ah in madaxweynuhu sheeganayo in safarkiisii Dhuusomareeb uu horseeday nabadda halkaas ka jirta, ayada oo xaqiiqda ay tahay in Dhuusomareeb ay nabad ahayd sanado badan ka hor intii aanu isaga xilka qaban, oo aanu wax dagaal ah ka dhicin tan iyo markii Ahlu-Sunna ay qabsatay halkaas.

Dadka arrintan ka fal-celiyey waxaa ka mid ah siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kasoo jeeda Galmudug, kaasi oo qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Maalinta nabadda aduunka waxay i soo xusuusisay khudbadii uu Madaxweyne Farmaajo ka jeeday Dhuusamareeb, taasoo uu ku sheegtay in daddaalkiisa dib u heshiineed ka hor Galmudug ay ahayd kawaan dooxato iyo dad qalad, Dhakhaatiirta Soomaaliyeedna yihiin kuwo dhiiga dadka ka macaasha. Hambalyo ayaan leenahay guusha madaxweynaha, hambalyo maalinta nabadda aduunka.”

Sidoo kale, dad badan oo reer Galmudug ah iyo qaar kale oo dhibsaday gefka loo gaystay dhaqaatiirta ayaa madaxweynaha ku dhalleeceynaya baraha bulshada, waxayna dalbanayaan in raali-gelin uu ka bixiyo.

Hoos ka daawo muuqaalka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com