Heshiisyo uu madaxweyne Farmaajo u saxiixi doono RUUSHKA oo la ogaaday

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu heshiisyo u saxiixi doono Wadanka Ruushka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu tago dalka Ruushka, halkaas oo uu uga qeybgeli doono shir dhex marayo Ruushka iyo Wadamada Africa.

Shirkaas ayaa la filayo inuu Ruushka ka furmo 23 Bisha October ee sanadkaan 2019,  waxaana ka qeyb geli doono wadamo badan oo ka tirsan Qaaradda Africa.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiyo Dalka Ruushka Cabdullaahi Maxamuud Warsame ayaa sheegay inuu dhici doono kulan dhexmarayo Farmaajo iyo Putin, halka sidoo kalana ay kulmi doonaan Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga ee labada dal.

Dowladaha Soomaaliya iyo Ruushka ayaa la filayaa inay kulamadaas ku kala saxiixdaan heshiisyo dhanka Militariga iyo Kalluumeysiga.

Safiirka Soomaaliya ee Ruushka ayaa sheegay in Wadanka Ruusha uu aad u daneenayo dhoofsashada Kulluunka Soomaaliya mar uu wareysi siiyey Sputnik.com

Shirka ka dhacayo Ruushka ayaa noqonayo midkii ugu horreeyey ee noociisa ah oo dhex maro Qaaradda Africa iyo Ruushka, waxaana la filayaa inay si wadajir ah u shir guddoomiyaan Putin iyo Madaxweynaha Masar El-Sisi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com