Xaaska wiilkii ay ciidamada R/Wasaare Kheyre dileen oo xabsiga laga sii daayey

Baydhaba (Caasimada Online) – Luul Isaaq Aadan oo ah xaaska wiilkii ilaalada Ra’iisul Wasaare Kheyre ay ku toogteen magaalada Baydhabo ayaa 13 maalin kaddib waxaa shalay laga sii daayay xabsi ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Luul oo ah Hooyo heysata caruur agoon ah ayaa sheegtay in aysan garaneyn waxa ay u xirneed mudadaas 13-ka maalmood ah, iyadoo toogasho lagu dilay seygaadii oo aan waxba galabsan.

Luul Isaaq oo ah gabar sama-fale ah oo sifo aysan garaneyn ku xirneed muddo ku dhaw labo todobaad ayaa sheegtay in ay hadda qabto wal-wal badan oo ku aadan ammaankeeda, maadaama aan loo cadeyn waxa ay ku xirneed mudadaas iyo waxa lagu daayay toona.

Iyada oo la hadashay warbaahinta ayay tiri,  “Hadda waxa aan la joogaa caruurteyda mana garanayo wax la igu heystay mudadaas xirnaa iyo wax la ii soo daayay midna, dadkii ii doodayay mudadii aan xabsiga ku jiray waxaan ka dalbanayaa in ay iga war hayaan sidii ay iiga warhayeeba intii aan xabsiga ku jiray xaalkeygu magaranayo waxa uu ku dambey doono”.

Iyadoo sii hadlaysay ayey tiri, “Waxaan garan la’ahay waxa intaas xabsi la iigu haayay maxkamad la’aan, maadaama aan ahay qof dumar ah waxaan dareemayaa cabsi badan waxaana korsanayaa caruur agoon ah”.

Luul Isaaq Aadan ayaa seygeedii Baydhabo lagu dilay 7-dii September iyada oo la socota, kaddib markii gaari ay wada saarnaayeen ay rasaas ku fureen askar ilaalo u eheyd Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xilligaas ku sugnaa magalaasda Baydhabo.

Luul iyo Seygeedii la dilay ayaa xiligaas oo aheyd goor galab ah waxa ay ka yimaadeen duleedka magaalada Baydhabo, waxayna wateen gaari yar oo ay gacanteeda ku waday Luul, waxaana si lama filaan ah uga soo horbaxay baabuur tigniko ah oo qal-qal galiyay, kuwaas oo uu la socday Kheyre oo ku siijeeday dhagaxdhiga garoonka kubadda cagta magaalada Baydhabo ee Dr. Ayuub.

Askarta ayaa rasaas huwiyay gaarigii ay wateen lamaanahaas, kadib markii ay isku dhaceen gaarigii ay waday Luul  iyo gaari Cabdi-bile ah oo ay wateen ilaalada Ra’iisul wasaare Kheyre.

Isku dhaca labada gaari ayaa waxaa sababay baqdin ay gabadhu ka qaaday gaadiidkaas dagaal ee uga soo baxay meel aysan ka filaneyn sida ay sheegtay, waxaana rasaastii lagu furay ay galaafatay nolosha seygeedii.

Caasimada Online
Xaafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com