Video: Faroole oo uga digay culimada Puntland in hal arrin aan laga aqbali doonin

Garoowe (Caasimadda Online) – Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa ka hadlay culimadii dhawaan ka hadlay ka qeybgalka Deni uu ka qeybgalay Xafladdii Caleema saarka Madaxweynaha Jubbalanad Axmed Madoobe.

Faroole oo ka hadlayay kulanka 1-aad ee Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland oo maanta ka furmay Magaalada Garoowe ayaa weerar culus ku qaaday culimada Puntland iyo odayaasha dhaqanka

Waxaa uu sheegay inaanay ka yeeli doonin inay Masaajida ka soo farmuuqaan siyaasiyiinta, haddii kalena inay iyana farta ku fiiqayaan, isla-markaana ay iska celin doonaan.

“Culumada Waxaan leeyahay hadfaad siyaasad rabtaan Kitaabka meel soo dhigta, midka siyaasadda soo qaata, laakiin idin ka yeeli mayno in aad masaajidada dadka faraha kaga fiiq fiiqdaan, idinkana waa la’idinku fiiqayaa waana iska kiin celinayna anba sheekh baan ahay ima harawsan kartaan.” Ayuu yiri Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud.

Faroole ayaa uga digay culimada inay soo farageliyaan siyaadda Dalka, gaar ahaan tan Puntland, isagoo ku hanjabay haddii ay joojin waayaan inay taggi doonto in iyagana la dhaliilo.

Wuxuu ku baaqay in la iska qabto dad uu sheegay inay dhibaato ku hayaan Puntland, wuxuuna kula taliyey in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka Shcabka Puntland.

Wuxuu ugu baaqay inay ilaashadaan jiritaanka Maamulkooda si hormar loo gaarsiiyo

Senator Faroole oo horey u soo noqday Madaxweynaha Puntland  ayaa dadka reer Puntland kula taliyay in si wadajira loo ilaaliyo midnimada shacabka Puntland iyo jiritaanka maamulka ay leeyihiin.

Waa markii ugu horeysay oo Senotarka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ka tirsan uu weerar afka ah ku qaado Culumada Soomaaliyeed, ee sida joogtada ahi kaga hadasho arrimaha siyaasadda ee dalka.

Magaalada Garoowe ayaa waxaaka socdo olole looga soo horjeedo maamulka Deni, waxaana lagu eedeeyey Dowladda Soomaaliya inay iyada ka dambeyso.

Kulankii Baarlamaanka ee Maanta ka dhacay Garoowe ayaa waxaa ka dhashay buuq kadib markii XIldhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo lagu tiriyo inuu xiriir la leeyahay Nabad iyo Nolol uu su,aal adag waydiiyey Saciid Deni taasoo keentay inuu madaxweynaha isaga baxo fadhiga Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com