Xiisadda ITOOBIYA oo kasii dartay iyo dhimashada oo gaartay 67 qof (Warbixin)

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Waxaa Gobolka Oromada ee dalka Itoobiya lagu dilay toddobkaan illaa 67 qof, intii ay socdaan banaabax looga soo horjeedo Ra’isul wasaaraha dalkaas oo ka dhacay caasimadda Addis Ababa iyo Magaalooyin kale.

Saraakiil ka tirsan booliiska oo u waramay Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa xaqiijiyay in dabadabaxyada rabshadaha watay ee maalmahaan ka socday dhulka Oramada ay ku naf waayeen ilaa 67 ruux, iyadoo ay rabshadaahii maanta madaxa la galeen maalintii seddaxaad.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in 5 laga dilay, waxayna intaas ku dareen 13 kamid ah dadka la dilay in lagu dilay rasaas halka inta kalana ay ku dhinteen rabshadaha iyo dhagxaantii la isku tuurayey.

Rabshadahan oo markii hore ku bilawday eedaymo uu jawar Mohammed usoo jeediyay dawlada Abiy Ahmed ayaa haatan isubadalay iskudhac qoomiyadeed iyo meelaha qaar mid diimeed.

Booliska ayaa gacanta ku dhigay 68-qof oo lala xariirinayo kicinta shaqaaqoyinkii ka dhacay caasimadda ismaamulka Oromada ee Adama, duqa magaalada Adama oo warbaahinta la hadlayna waxa uu sheegay in dadka la qabtay looga shakisan yahay dilalkii,boobkii iyo goobihii cibaadada ee lagubay.

Jawar Maxamed oo ah ninka sababta u ahaa in ay qarxaan rabshadaha hareeyay deegaanada ismaamulka Oramiya ee dalka Itoobiya oo la hadlay Reuters waxa uu eedeyn u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Abiy Ahmed oo uu ku tilmaamay kaligii taliye.

Jawar wuxuu ku soo caan baxay khudbadaha iyo bandhigyada uu kaga hadlo siyaasadda dalka Itoobiya, isaga oo weliba qurbajoogta Oromada ee Mareykanka ku nool hormuud u ahaa.

Jawar Maxammed ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay xubin ka ugu muhiimsan ee aasaasay ururka dhalinyarada Oromoda ee ‘Qeeroo’ oo dalka gudahiisa mudaharaadyada sababay iney dowladda isbeddesho sameeynayey.

Gaar ahaanna Jawar waxaa si gaar ah uu ugu soo caan baxay jidgooyooyinki maalmaha socday ee lagu sameeyey jidadka soo gala caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ugu dambeyntina sababay inuu ra’isal wasaarihi hore ee Itoobiya Haile Mariam Desalegn uu iscasilo xilkana uu la wareego Dr Abiy Axmed oo qowmiyadda Oromada u dhashay.

Caasimada Online
Xafiiska Adis Ababa
caasimada@live.com