Xiisadda Nile: Sacuudiga oo dhabarka ka toogtay Masar, lana saftay Itoobiya

Riyadh (Caasimada Online) ― Dowladda Sacuudiga ayaa ku biirtay xiisada adag ee ka dhex aloosan Itoobiya iyo Masar, iyadoona dhinac la noqotay dowladda Itoobiya, sida uu sheegay Mohamed Hafez.

Mohamed Hafez, oo ah Injineer khabiir ku ah biyo xireenada, ayaa waxa uu markii u horeysay shaaca ka qaaday in Dowladda Sacuudigu ay gacan weyn ku leedahay dhiska biyo-xireenka ay rabto inay sameyso dowladda Itoobiya.

Hafez oo u warameyay wargeyska Al Khaleej, ayaa waxa uu si cad u sheegay in dowladda Sacuudigu ay talaabooyin badan u qaaday sidii ay dhinaca uga qaban laheyd dowladda Masar, isla markaana ay biyo-xireenkaasi  uga faa’iideysan laheyd.

Injineerka ayaa waxa kale oo uu sheegay in madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Al-Bashiir uu dowladda Riyadh u ansixiyay helitaanka dhul milyan hektar ah oo ku yaala gobolka wabiga Niil.

Waxa sidoo kale uu xaqiijiyey in dowladii Suudaan ee uu hogaaminayay madaxweyne Al-Bashiir, inay shirkado Sacuudigu uu leeyahay oo gaar loo leeyahay ay u ansixiyeen dhul dhan Hal milyan oo hektar, kaasi oo ku yaala bariga wabigaasi.

Mohamed ayaa waxa kale oo uu bidhaamiyay in dowladda Sacuudigu ay rabto in keyd weyn ka sameysato sanadkii biyo xireenkaasi, kaasi oo si joogta ahna u geyn doonta dhulka Boqortooyada, iyadoo la sii marinayo Suudaan.

“Dhulka beeraha ee Sacuudigu si weyn ayey uga faa’iidaysan doonaan dhammaystirka dhismaha biyo-xireenka, iyagoona buuxin doona kaydadkooda” ayuu yiri Mohamed Hafez.

Wuxuuna intaas kusii daray “Biyaha ka yimaada dhinaca biyo-xireenka ayaa waxa lagu ridi doonaa sanadka oo dhan keydka, iyadoona si joogto ah loo geyn doonaa dhulka Boqortooyada”.

Hadalka Khabiirkani, ayaa waxa uu muujinaya in dowladda Sacuudigu ay dhabarka u jeedisay dowladda Masar oo saaxiib dhow la aheyd, isla markaana ay Itoobiya ku taageerayso dagaal ka dhan ah Masar, haddii laga maarsami waayo.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa