Video: Ganacsato deymo ku leh DF oo si kulul uga hor-yimid hadalkii Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah waxgaradka iyo ganacsato lacag u deymisay dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kaasi oo ahaa in xukuumadiisa ay bixisay deymo badan oo dowladihii hore lagu lahaa.

Ganacsatadaan oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay warbaahinta ka maqleen in dowladda Soomaaliya ay bixisay ku dhawaad 100 Milyan oo doolar.

Sidoo kale waxay sheegeen inay warbixintaasi ka heleeyn dadka deymaha ku lahaa dowladda Soomaaliya oo sheegay inay helaan lacagahooda, taasina ay culees ku noqotay maadaama iyagaba aysan helin deymihii ay siiyeen dowladihii hore iyo dowladda hadda dhisan.

“Warkaas waxaan ka helnay dadka deymaha lahaa qaarkood, anaga deymaha intaasi la eg dowladda uguma deeqi karno, dadka Soomaaliyeed ayaan ka qaadnaa dadkii aan ka qaadnay qaarkood ayaa waxay nagu qabsadeen war lacagtii waa leydin siiyee lacagteena na siiya, warkaasna Amakaag ayay nagu noqday, lacagta aan deyminayna 7 Milyan ayay aheyd”ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka oo saxaafadda la hadlay.

Sidoo kale Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in markii la doortay madaxweyne Farmaajo inay rajo wanaagsan ka qabeen inay helaan lacagihii ay horey dowladaha ugu deymiyeen, balse waxay sheegeen inay ka warheleen Xasan Cali Kheyre oo ka been sheegay lacagahii ay horey dowladda u siiyeen.

Xasan Cali Kheyre ayaa isaga oo la kulmay Ganacsato Soomaaliyeed todobaadkii hore wuxuu ka dhawaajiyay in xukuumadiisa aybixisay dhamaan deymihii lagu lahaa dowladihii hore oo gaarayay 100 Milyan oo doolar.

Xildhibaan Hore Cabdi Barre Jabriil oo qeyb ka ahaa xubnaha warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa dhankiisa sheegay in warkaasi uu ahaa Mid uu isku xayaysiinayay Xasan Cali Kheyre.

Wuxuu sidoo kale ayaan daro ku tilmaamay hadalka Kheyre kasoo yeeray lixdii Bishaan April oo ahaa inay deymaha wada bixiyeen, isaga oo sheegay in taasi ay qeyb ka tahay burburka lagu hayo ganacsatada Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo shir jaraa’id oo ay qabteen ganacsatada

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com