Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii Kheyre iyo madaxda Bankiga Adduunka?

Washington DC (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Washington waxa uu la kulmay madax ka socota Bangiga adduunka.

Wasiirka Koowaad ee Dalka ayaa xaqiijiyay in ay kawada hadleen sidii Soomaaliya looga cafin lahaa lacagaha deynta ee muddo lagu leeyahay.

Kheyre ayaa intaa ku daray in Dadaalada Soomaaliya ay ku dooneyso in loo dhaafo ama loo cafiyo deymaha lagu leeyahay ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan kulan miro dhal leh kula qaatay Washinton, Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka Hafez Ghanim oo aan ka wada hadalnay habsami u socodka barnaamijka deyn cafinta dalkeena iyo dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed ee hay’adaheedda dowliga ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore ka qaybgashay shir looga hadlayay deyn cafinta Soomaaliya, waxaana Dowladda la hordhigay Shuruudo dhowr ah oo cafinta ku xiran tahay.

Bangiga adduunka ayaa daraasado marar kala duwan uu soo saaray ku sheegay in kobaca dhaqaalaha dalka uu sare usii kacayo sanadba sanadka ka dambeeyo.

Hay’adda Caalamiga ah ee lacagaha ayaa bishii febaraayo sanadkaan sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kobac fiican ka muuqdo saadaasha 2019ka.

Warbixin ay soo saartay Hay’adda waxaa ay ku sheegtay in dakhliga gudaha Soomaaliya uu kordhay islamarkaana sanadkan 2019 la filayo in uu gaaro 3.5%.

IMF,waxaa ay sheegtay in sanadkii la soo dhaafay ee 2018, uu kororka dhaqaalaha ahaa 3.1% marka loo eego sanadkanna ay muuqato rajo wanaagsan.

$8 Milyan oo doollar ayaa ku korodhay xilli xisaabeedkii 2018,marka la dhinac dhigo xilli xisaabeedkii 2017.