Yariisow oo shaaciyey inuu jiro qorshe qabiileysan oo ka dhan ah Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa markale waxaa uu weerar afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta xilligaan mucaaradka ku ah dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu sheegay in wadaan qorshe iyo siyaasad qabiileysan oo ka dhan ah madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu sheegay in Magalada Muqdisho ay joogaan siyaasiyiin qabiiliistayaal ah oo dano gaar ah wata, isla markaana dhibaato weyn ka wada magaalada Muqdisho, isaga oo ku hanjabay in uusan aqbalin karin.

“Waxaan ahay Duqa Muqdisho magaaladaan ayaan maamulaa mana ka aqbalaayo in dad dano gaar ah wata ay magalada amnidarro ka abuuraan, waxaana ogahay Siyaasiyiin arrin qabiil ka dhigaya dowladnimada, dowladda hadda jirta ee uu Madaxda ka yahay Madaxweyne Farmaajo qabiil waa ay ka fog tahay” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Isaga oo goordhow wareysi siinayey mid ka mid ah Tv-yada ku hadla Afka Soomaaliga ayu sheegay in markii uu dalka isbedel uga dhaco in siyaasiyiinta xilal doonka ah iyo Shaqsiyaad ay dhibaatooyin ka geystaan Magalada Muqdisho.

Waxa uu hadalkiisa intasi ku daray in Dowladihii dalka soo maray, sida Dowladii Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ay jireen Siyaasiyiin careysan, kuwaas oo uu sheegay inay weli yihiin kuwo dhibaato ku wada dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xalay ayay aheyd sidaan oo kale markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu weerar afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay jiraan kuwo qaswadayaal ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com