Boosaaso (Caasimada Online) – Maxamuud Cali Shire wuxuu kamid ah dad ku sugnaa dalka UK wuxuu dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, isagoo halkaasi ka hergeliyay ganacsi cusub.
Maxamuud Shire, wuxuu sheegay in muddo badan uu ku sugnaa dalka UK,laakiin uu go’aansaday inuu kusoo laabtaa dalkiisa islamarkaana uu ka hergeliyaa ganacsi yaryar.
Wuxuu magaalada Boosaaso ka sameystay gaari yar oo uu ku sameeyo adeegyo macmacaan iyo jalaato ah oo dadweynaha ay daneynayaan, waxaana dadweynaha Boosaaso ay u yaqaanaan Jalaatada Wareegta.
Maxamuud oo nafsad ahaantiisa iibinayay jalaatada ayaa warbaahinta u sheegay inuu ku faraxsan yahay kusoo laabashada magaalada Boosaaso iyo inuu la yimaado fikrad cusub oo ganacsi abuur ah.
“Uk ayaan ka imaaday haddana fikradaan jalaato wareejinta ayaan la imaaday, aadbaan ugu faraxsanahay inaan dalkeyga ka dhex shaqeysto”ayuu yiri Maxamuud.
Labo gelin ayuu sheegay inuu shaqeeyo, waxaana gelinka hore jalaatadiisa laga helaa dekada magaalada Boosaaso oo aad mashquul u ah, sida uu sheegay halka gelinka dambe iyo habeenkiina uu ka shaqeysto magaalada.
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

