Video: Midow cusub oo ah musharaxiin madaxweyne oo Xamar looga dhawaaqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Midow cusub ayaa looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay ku mideysan-yihiin qaar kamid ah musharaxiinta madaxweyne ee doorashada soo socota ee 2021-ka, oo aan qeyb ka aheyn Golaha musharaxiinta mucaaridka.

Midowgan cusub oo loogu magac daray “Kudladda Musharaxiinta Madaxweyne ee dhex-dhexaadka ah”, ayaa waxay sheegen inay yihiin dhex-dhexaad aan raacsaneyn mucaarid iyo muxaafid, isla markaana ay u istaageen sidii dalka uga qabsoomi laheyd doorasho xor iyo xalaal ah.

Waxay sheegen inaysan marnaba ku lug laheyn dowladda federaalka, isla markaana aysan u midoobin sidii ay dowladda uga dhicin lahaayeen golaha mucaaridka, balse ay iskugu tageen sidii ay uga wada-shaqeyn lahaayeen in dalka ka dhacdo doorasho loo dhan yahay oo wada-ogol ah.

Kudladdan ayaa waxa Gudoomiye loogu doortay Dr Cumar Cabdiqaadir Ahmed Fiqi oo ah Musharax u tartamaya xilka madaxweyne, wuxuuna hogaan u noqon doona musharaxiinta kale ee ku midoobey kudladan cusub ee looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Musharaxiintan ku midoobey kudladdan cusub ayaa ah kuwa aan hore uga tirsaneyn golaha midowga musharaxiinta mucaaridka oo ay ku mideysan yihiin inta badan musharaxiinta mucaaridka ee kasoo horjeeda hanaanka ay dowladda wax u wado.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay meel xasaasiya mareyso xiisada ka dhalatay hanaanka doorashada, isla markaana uu khilaaf xoogan ka dhex taagan yahay dowladda federaalka iyo musharaxiinta mucaaridka, oo iyagu ku dhawaaqay guddi ka barbar shaqeynaya kuwa lagu muransan yahay ee gadaal ka riixeyso dowladda.