Weerarka lagu qaaday hotel Afriik horey miyaa loo ogaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxii ka dambeeyey salaadii duhur ee shalay waxaa magaalada Muqdisho ka jiray guuxa warar ku saabsanaa in qaraxyo xoog leh ay ku jiraan gudaha magaalada, islamarkaana saacado gudahood lagu beegsa doono goobo muhiim ah.

Baraha Bulshada Soomaalida, gaar ahaan dadka reer Muqdisho ayaa aad loogu faafiyey gelinkii bambe ee Axadda, qoraal la sheegay in hey’adaha Qaramada Midoobey ay la wadaageen xubnaha Soomaalida ah ee ka tirsan shaqaalahooda.

Qoraalkaas waxuu muujinayey digniin ah in 72 saac ee soo socota ay Muqdisho ka dhici doonaan qaraxyo waaweyn, gaar ahaan wadada halboolaha ah ee Maka Al-Mukarama, hoteellada waaweyn iyo maqaayadaha Muqdisho.

Waxaa si gaar ah qoraalka digniinta ugu xusnaa in goobaha la beegsan doono ay ku jiraan hoteello iyo maqaayado caan ah oo ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama illaa dhismaha xarunta baarlamanka.

QM ayaa uga digtay shaqaalaheeda inay ka fogaadaan goobahaas.

Saacado kadib digniintaas ayaa waxaa la weeraray hotel Afrika oo ku yaalla agagaarka KM4, wax badanna aan ka fogeyn waddada Al-Mukarama.

Ma cadda haddii hay’adaha QM ay digniintan la wadaageen hay’adaha amniga Soomaaliya, iyo haddii hay’adaha amniga ay si kale u ogaayeen.

Hay’adaha QM iyo sirdoonka shisheeyaha ayaa marar badan lagu eedeeyey inay xogta falalka amni darro ee ay helaan aysan si rasmi ah ula wadaagin hay’adaha amniga Soomaaliya, marka laga reebo in lagu arko baraha bulshada kadib markii ay dusiyaan shaqaalahooda.