Lamaane ku jiray toddobada arooska oo ka mid noqday dadkii ku dhintay Hotel Afrik

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo weerarkii tooska ahaa siddeeda saacadood ee qaatay ee lagu qaaday hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.

Sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan illaa 9 qof oo ay ka mid yihiin General Maxamed Nuur Galaal oo ku jiray hoteelka iyo nin lagu magacaabi jiray Cabdullahi Nuure Siyaad oo ay walaalo ahaayeen siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal), waxaa sidoo kale ku dhintay askar iyo dad kale shacab ahaa.

Dadka rayidka ah ee ku dhintay weerarka ay Al-Shabaab ku qaadeen Afrik waxaa ka mid ahaa lamaane todobo ku jiray oo deganaa hotelka, xilliga uu dhacayey weerarka.

Lamaanahan oo u hoyday gurigooda rasmiga ah ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Fahad Cabdiraxmaan iyo Farxiyo Cali, waxaana maanta lagu aasay Qabuuro ku yaalla deegaanka Jaziira ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaar ka mid ah ehellada marxuumiinta oo goobta aaska kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Fahad iyo Farxiyo ay wada-aqal galeen 9 beri ka hore, balse nasiib darro ay ka mid noqdeen dadkii shacabka ahaa ee shalay lagu dilay weerarka ka dhacay hoteelkaasi.

Dhacdadan oo xanuun badan ku reebtay ehellada lamaanaha geeriyooday ayaa si aad ah looga hadal hayaa magaalada Mudisho iyo sidoo kale baraha bulshada ee Internet-ka.