ROOBLE oo hortegaya BF Soomaaliya, maalin kadib 8-da Febraayo + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaca ka qaaday in maalin kadib sideeda bishaan February oo ku beegan muddo xileedka madaxweynaha uu hortegi doono baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in Rooble uu tegayo xarunta baarlamaanka 9-ka bisha February oo ku beegan maalin Talaado ah.

Sidoo kale warkan ayaa waxaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaruhu baarlamaanka uu ka jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo waxqabadka xukuumaddiisa oo 3 bilood jirsatay.

Waxaa sidoo kale la filayaa in ra’iisul wasaaraha uu khudbadiisa ku soo qaado xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka dalka oo dib uga dhacay waqtigii loo asteeyey, taas oo loo xil saaray in xukuumaddiisa ay hirgeliso, kana shaqeyso doorasho xor & xalaal ah.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay weerarkii Hotel Afrik, isaga oo  tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaasi.

“Wuxu ahaa weerar lagu soo qaaday shacabka Soomaaliyeed ee bir ma geydada ah. Cadowgu way sii daciifayaan, taag darradooda ayaana sabab u ah weeraradan quusta ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliiya Maxamed Xuseen Rooble.

Hadalkan ka soo yeeray ra’iisul wasaaraha dalka ayaa wuxuu ku soo aadayaa, iyada oo horey madaxweynaha Soomaaliya uu shir ballaaran isugu yeeray xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka, kaas oo dhacaya 5-ta bishan, kadib shirka magaalada Dhuusamareeb.