Daawo Video: Muqdisho iyo sida looga daawado World Cup Xilliga Habeenkii

Magaalada Muqdisho waxaa si weyn looga dareemayaa saameynta ciyaaraha adduunka ee ka socda dalka Brazil, iyadoo dhalinyarada ciyaaraha ku  tixan isugu yimaadaan goobaha baararka iyo maqaayadaha.

Xeebta Liido oo ka mid ah goobaha loo diyaariyay in lagu daawado ciyaaraha ayaa waxaa habeenkii isugu yimaada dhalinyarada jecel ciyaaraha, kuwaasi oo kooxaha kala taageeraya.

Muuqaal laga soo duubay damaashaadka dhalinyarada ee xeebta Liido ayaa muujinaya xasiloonida ka jirta magaalada Muqdisho ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: