Maxaad kala socotaa qorshaha uu Cali Maxamed Geedi u joogo JOWHAR?

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas maanta ay gaareen wafdi ballaaran oo ay hoggaaminaayo ra’iisal wasaarihii hore Cali Maxamed Geed, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Waftigan ayaa waxaa ku wehlinaya socdaalkooda oo Muqdisho ka raacay guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Dhexe, Cabdi Jiinow.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana meelaha qaar ammaanka sugaya ciidamo AMISOM ah sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Wafdiga gaaray Jowhar ayaa lagu wadaa in ay ka qeybgalaan hirgalinta mashaariic la rabo in laga billaabay gobalka Shabeellaha Dhexe, sida ay wararka sheegayaan.

Cali Geedi ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho isagoona xiriiro dhow la sameestay dowladda Soomaaliya,oo waxaa la arkayay isagoo soo dhaweenaya madaxda dowladda gaar ahaan madaxweynaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com