VIDEO: Puntland & DF Somalia oo lagu wareeray (Sheeko qarsoon oo socota)

Boosaaso (Caasimada Online) – Dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo su’aalo badan dhaliyey, ayaa dhowaanahan dhex maraya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland ee uu horkaco Cabdi Weli Gaas

Waxaa shalay booqasho ku tagey maxjarada ku yaala magaalada Bosaso Wasiirada Xanaanada Xoolaha dowlada Federaalka Prof Saalim Caliyow Ibrow iyo Puntland Cabdulahi Ducaale Cali.

Safarka Wasiirka ayaa daba socda booqashooyin is-daba joog ah oo dhowaanahaan saraakiil sare oo ka tirsan dowlada Federaalka ku imaanayeen Puntland xili uu go’an yahay xiriirka labada dhinac.

Dhinaca kale waxaa magaalada Muqdisho si joogta ah ugu baxa safaro Wasiirada dowlada Puntland kuwaasoo halkaas kaga qayb gala kulamada beesha caalamka ku qabato magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ayaan si rasmi ah ugu dhawaaqin in dib loo soo celiyey xiriirkoodii, kadib markii uu xiriirka jaray Faroole, haddana waxa ay u dhaqmayaan sida in heshiis dhacay.

Madaxweynaha Puntland oo saxaafada kala hadley goobo kala duwan ayaa mar-walba ganafka ku dhufta inuu rajeynayo in labada dhinac ay isku soo dhowaadaan, haddana weli ma jiraan wax rasmi ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa magacaabey guddi wada-xajood la gala dowladda Federaalka iyadoo wararku sheegayaan in gudigaas uusan mar-naba shaqeyn islamarkaana DF ka jawaabin ama guddi kale oo dhigiisa ah magacaabin.

Dhowaan ayey aheyd markii Wasiirka Dastuurka dowladda Federaalka magacaabey guddi dib u eegis ku sameeya Dastuurka Federaalka Somalia kaasoo xubin looga dhigey Caasho Geele oo horey Wasiir uga ahaan jirtey Puntland.

Sheekada Dowladda Soomaaliya iyo Puntland ayaa u muuqata mid aan la fahmi karin, oo lagu wareeray.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com