Nuur Cadde oo ka hadlay doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen (Nuur-Cadde) oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qorshihiisa ku aadan 2016-ka oo la rabo in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah.

Wareysi dheer oo uu siiyay Idaacadda Maxaliga ah ee Dalsan ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay dagaallada dib uga soo cusboonaaday qaar ka mid ah gobalada dalka.

Ugu horeyn waxaa la weydiiyay xaalada dalka, wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay horrumarka iyo nabadda ka taagan dalka Soomaaliya gaar ahaa magaalada Muqdisho.

Wuxuu ku baaqay in la xoojiyo ammaanka caasimada Muqdisho.

Waxaa la weydiiyay oo kale in dagaallada dib uga soo cusboonaaday qaar ka mid ah gobalada dalka, wuxuu sheegay Nuur Cadde in uu ka xun yahay dagaallada dib uga qarxay gobalada dalka.

Waxaa la weydiiyay in uu isku soo taagi doono doorashadda la filaayo in ay ka dhacdo Soomaaliya labo sanno kaddib, wuxuu sheegay in uusan hadda ka wajaabi karin.

“Arrintaas ma oran karo haa iyo mayo, waayo Salaad waqtigeeda aan la joogin lama tukado” ayuu yiri Ambassador Nuur Cadde.

Ugu dambeyn ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa xusay in uu jeclaan lahaa Soomaalida oo ka baxda dhibaatada kuna tallaabsata waddada nabadda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com