Xog: Xasan oo la sheegay in la qasbay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeri ah, ayaa kasoo baxaya aqoonsi ay dowladda Soomaaliya siisay maamul la sheegay inuu saddex gobol matalo, balse aan midna gacanta ku hayn.

Qorshaha aqoonsiga ayaa qeyb ka ah dadaal weyn, oo ra’iisul wasaare Cabdi Weli iyo dhinacyo badan oo ku xiran sida UNSOM, Puntland iyo Juba ay ugu jiraan in dhulka beelaha Hawiye dad kale loo sharciyeeyo.

Xubno ku dhow Villa Soomaaliya, ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweyen Xasan Sheekh uu heshiiska diidanaa, balse uu qasbay Nicholas Kay, sidaa darteedna uu ku aqbaly, isaga oo ilaashanaya kursigiisa.

“Madaxweynaha waa la qasbay, isna dadkiisa iyo ehelkiisa waxa uu dhaafsaday kursi” ayuu yiri qof jooga Villa Somalia, oo aan dooneyn in la magacaabo, sababo la xiriira xasaasiyadda warkan.

Waxaa il-wareedkan uu sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya uu iminka ugu awood badan yahay ra’iisul wasaare Cabdi Weli, oo haysta taageerada Kenya, Ethiopia iyo UNSOM, islamarkaana madaxweynaha uu u muuqdo qofka labaad.

Cabdi Weli, ayaa tan iyo markii xilka loo magacaabay hurinayey dagaal beeleedyo, isaga oo Kismaayo iyo marka ku hubeeyey maleeshiyo beeleedyo dagaal kula jira beelo kale, haddana aqoonsaday maamul aan meelna maamulin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com