Video + Warbixin: Muxuu ahaa ujeedka waftigii tagey Puntland ee Imaaraatiga?

Qardho (Caasimada Online) – Wafti uu hogaaminayay Sayid Maxamed Khaliifa oo kasoo kicitamay dalka Imaaraatka Carabta ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweyay magaalada Qardho ee gobolka Bari.

Waftigaan ayaa intii ay joogeen waxay kulan la qaateen boqor burhaan boqor muuse iyo cuqaasha magaalada Qardho, sidoo kale waxay hadiyado kala duwan gudoonsiiyeen bqor burhaan boqor muuse, isaguna waxa uu dhankiisa gudoonsiyay hadiyado kala duwan oo ay ku jiraan sawirka madaxweynaha jamhuuriyada federaalka ah ee soomaaliya, iyo sawirada boqorada kala duwanaa ee soo maray boqortooyada beelaha daarood.

Sayid Khaliifa oo warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in ay farxad u tahay in uu qardho soo gaaro ujeedada socdaalkooduna ay tahay sidii ay xooji lahaayeen xiriirka dhaqan ee ka dhaxeeya labada shacab iyo labada dawladood, cuqaashii goobta ka hadashay iyo boqor burhaan boqor muuse waxay si isku mid ah waftiga ugu soo dhaweeyeen gudaha dalka soomaaliya.

Ugu danbayn Boqor Burhaan waxa uu waftiga booqaasho ugu geeyay gooba kala duwan oo ay ka mid yihiin beerta boqorka halkaas oo loogu lisay caano geel oo dhay , sidoo kale waxay ku dalxiiseen dooxooyinka magaalada oo dhawaan roobsaday.